Wasaaradda Deegaanka oo Bilawday Qorshe ay kula Wareegayso Duur-joogta Ku Jirta Gacanta Bulshada

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Deegaanka iyo isbabelka Cimilada ayaa bilawday inay la wareegto duur-joogta ku jirta gacanta bulshada, si loo ilaaliyo bad-qabka duur-joogta dalkeena.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ula wareegtay Deerooyin lagu hayay, xarunta shirkada DP World ee magaaladda Hargaysa, kuwaasi oo ay hore u diiwaangalisay wasaaradu.

Xeerka Duur-joogta Somaliland ayaa mamnuucaya in duur-joogta lagu hayo Hudheelada iyo goobaha gaarka loo leeyahay, waxa uu farayaa wasaaradda Deegaanka inay tiro-koobto duur-joogta ku nool Hudheelada iyo guryaha gaarka ah, isla markaasina ay la wareegto lahaanshaha duur-joogta sida gaarka ah loo hayo iyada oo u samaynaysa goobo lagu daryeelo.

Xeerkan ayaa sababaha uu u mamnuucay lahaanshaha ama haysashada gaarka ah ee duur-joogta ku sheegay inay dhiirigalinayso in dadka reer Miyiga ahi ay ugaadhsadaan duur-joogta.

Wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka Cimilada Somaliland oo arrintaasi ka duulaysa ayaa waxay kala wareegtay shirkada DP World 10 Deero, kuwaasi oo lagu hayay xarunta shirkada, isla markaasi la geeyay xarunta daryeelka duur-joogta ee Geed Deeble, halkaasi oo xanaanayn iyo daryeel joogto ah ay ku heli doonaan.

Bashiir Cumar Xasan waa ku simaha Agaasimaha waaxda duur-joogta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Somaliland waxaanu ka waramay waxyaabaha ku soo began wakhtiga in lala wareego Deerooyinka waxaanu yidhi “Maata waxaan halkan u joognaa 10 Deero oo aan ka soo wareejinay xarun ay leedahay shirkada DP World, 10-kan Deero ayaa waxa uu Isu’duwaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada gobolka Saaxil waxa uu noo soo gudbiyay warbixin ah inay 10 Deero ay xaaladoodu xun tahay, maadaama kulayl badani Berbera ka jiro, Deeradaasi oo ahayd tii sanad ka hora anu u diiwaangalinay dadkii haystay, ytaasi oo qorshaha waaxda ku jirtay in kulba sida ay u kala daran yihiin loola soo wareego, looguna xanaaneeyo goob ku haboon taasi oo la rabo in dib loogu celiyo duurkeedii”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com