Wasaaradda Maal-gashiga JSL oo ka Arrinsanaysa Qabashada Carwada 3-aad ee Maalgashiga iyo Wershadaha

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka socda qaban qaabada iyo u diyaar garawga qabsoomida carwada 3-aad ee Maalgashiga iyo Weshadaha Somaliland.

Kulamo kala duwan oo lagaga xaajoonayo qabsoomida carwada 3-aad ee Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland ayaa ka socda xarunta wasaaradda horumarinta Maalgashiga, kuwaasi oo ay masuuliyiinta wasaaradu wax iska waydiinayaan sidii loogu diyaar garoobi lahaa, loona qaban lahaa carwadaasi.

Haddaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdkariim Muuse Maal ayaa furay kulankii labaad ee Gudida qabanqaabada Carwada Maalgashiga iyo warshadaha oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Agaasimaha guud ayaa warbixino ka dhagaystay guddida halka ay marayso qabanqaabada carwadu isaga oo kula dardaarmay guddidan in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah ee lagaga tashanayo hirgalinta carwada 3-aad ee Maalgashiga iyo Warshadaha.

Geesta Kale Gudoomiyaha Guddida qabanqaabada carwada Maalgashiga iyo warshadaha Cabdalle Maxamuud ayaa isaguna soo jeediyay halka ay marayso iyo ilaa hadda waxyaabaha u qabsoomay Gudida.

Dhankooda xubnaha guddidan ayaa ka dooday arrimo badan oo lagu dardargalinayo qabsoomida Carwada Maalgashiga iyo warshadaha.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com