Wasiirka Biyaha oo Xadhiga ka Jaray Ceel-Biyood laga Hirgeliyay Degaanka Laalays

Laalays (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa xadhiga ka jaray Ceel Riig-biyood ah oo laga hirgeliyay degaanka Laalays ee degmada Farawayne ee gobolka Maroodi-jeex.

Wasiirku waxa uu sheegay in hirgelinta Ceelkan ay iska kaashadeen wasaaradda biyaha iyo hay’adda Samsam foundation.

Geesta kale waxa uu sheegay in Ceelkani uu daboolayo baahidii biyood ee degaanka Laalays iyo degaanada ku xeeran, waxaanu xusay in biyo ku filan ay ka helayaan dadka degaanku.

Dhanka kale wasiir Koore waxa uu tilmaamay in hirgelinta Riig-biyoodkani ay ku timid hoggaaminta madaxweynaha JSL iyo tallooyinka iyo tusaalooyinka ka imanaya bulshaweynta degmooyinka iyo tuulooyinka dalka

Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu bulshada degaanka Laalays kula dardaarmay inay xil weyn iska saaraan sidii Ceelkaasi ay u ilaashan lahaayeen.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com