Madaxwayne Biixi muxuu ka yidhi cabashooyin ay axsaabta mucaaridku ka muujiyeen xubno madaxwaynuhu u magacaabay Komishanka doorashooyinka cusub?

Waxaa maalmihii u dambaysay la hadal hayay xubno madaxwaynuhu usoo xulay komishanka doorashooyinka qaranka oo xisbiyada mucaaradku kasoo horjeesteen ama ka biyo diideen.

Madaxwayne muuse oo ka hadlayay madal Loo Sameeyey Maalinta Cuntada Adduunka waxa uu si waafi ah uga jawaabay cabashooyin ay axsaabta mucaaridku ka muujiyey xubno uu madaxweynuhu u magacaabay Komishanka doorashooyinka cusub ee dhismahoodu gebogebada yahay waxana uu tilmaamay inuu xubnahaas u gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay waxaynu Yidhi ” Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray.”

waxana uu intaas ku daray “Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

 

Bandhige@gmail.com