Somaliland oo lix bilood gudohood jaad kusoo iibsatay 190 milyan oo dollar

Hargaysa (Bandhige) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in sanadkan lagu jiro oo kaliya ay kaga baxday jaadka lacag dhan 190 milyan oo doolar.

Wasiir Sacad Cali Shire oo shalay soo xidhay kulan ay ardayda jaamacaduhu ku lafa-gurayeen caqabadaha hortaagan dhaqaalaha dalka ayaa waxa uu ka waramay caqabadaha hortaan dhaqaalaha dalka iyo sida looga bixi karo.

wasiirka oo ka hadlayay caqabadaha hortaan in dhaqaalaha dalku horumaro ayaa waxa uu yidhi ” Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas I gelinayaba.”

Wasiir sacad oo ka hadlaya lacagta badan ee somaliland kaga baxda jaadka ayaa waxa uu yidhi ” Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye, mushkiladu xataa maha lacagta oo keliya ee waa wakhtigii; caafimaadkii, iyo dhaqankii, waana meelaha loo bahanyahy in wax laga qabto.”

Bandhige@gmail.com