Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxwayanaha wuxu shacbiga Hargeysa qaar ka mid kula tukaday salaadda Ciidul-Fidriga Masjid Jaamaca Weyn ee Hargeysa

????????????????????????????????????

 

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Qaranka Somaliland ayaa qaar kamida  dadwayanaha ku dhaqan magaalada hargaysa kula soo tukaday salaada ciidal fidriga masjid jaamaca wayn ee magaalada Hargeysa .
Madaxwayneku-xigeenka oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal fidriga, isagoo Madaxwayne ku-xigeenku khudbadiisa kaga hadlay wadahadaladii u socday Khaatumo iyo Jamhuuriyada Somaliland, e dhawaan ay ka soo baxeen go’aamadii lagu heshiiyey ee hordhaca ahaa, waxaana uu sheegay Madaxwayne ku-xigeenku in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay dalka ku wado muslaxad iyo isu soo jiidista bulshada Somaliland waxaanu yidhi:

“Aad baan idiinku hambalyaynayaa munaasibada ciidul fidriga awgeed, waxa kale oo aan jecelahay in aan ka hadlo heshiiska ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo,  waxa jira dad mixnad ka dhex abuuraya heshiiskaa ama xageenan ha joogaan ama kuwii iyaga la joogay ha ahaadeene, waxaan aaminsanahay inay heshiiskaasi uu ahaa heshiis qaran.”

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku  ku soo noqday qasriga madaxtooyadda Somaliland, halkaasina waxa uu ku qaabilay qaar ka mid ah shacbiga Caasimada oo ku soo booqday Madaxtooyadda.

bandhige@gmail.com