Madaxweyne Siilaanyo wuxu salaadii Ciidal Fidriga ku tukaday Abu-dubai, kadibna kulan la qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Imaaraadka

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu-Dubai Madaxweynubu.

Kulanka jaaliyadda uu madaxweynuhu la qaatay ayaa ahaa mid ay jaaliyadu nasiib u heshay inay la ciido madaxweynaha qarankooda oo kula sugan dalka imaaraadka, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo jaaliyadda uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay u barbar taagan yihiin horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashaariicaha kala duwan ee imaaraadku ka wado somaliland.

Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.

Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanada xoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyadda Somaliland.

bandhige@gmail.com