Madaxweynaha Colombia waxa la siiyey abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda Nobel Peace Prize

 

Madaxweynaha Colombia Juan Manual Santos ayaa maanta hantay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaan Nobel Peace Prize.

Guddida bixisa abaalmarintan oo fadhigeedu yahay Norway ayaa go’aankan shaaciyey Jimcihii maanta.

Madaxweyne Juan Manual Santos ayaa Guddidu sheegeen in uu aad ugu farxay markii ay warka u sheegeven iyaga oo telefoonka kula hadlay, wuxuuna u sheegay in abaalmarintani dhiirigelin u tahay dedaalkii nabadda ee ay awalba wadeen.

Abaalmarinta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Axaddii dhawayd dadweynaha Colombia diideen heshiiskii nabadda ee dhex maray dawladda iyo jabhadda FARC oo dagaal ba’ani ka dhexeeyey 52-kii sanno ee la soo dhaafay, laakiin Guddida Abaalmarinta ayaa sheegay in go’aankoodu la xidhoodho dedaalka uu shakhsiyan sameeyey Madaxweyne Santos.

Waxa abaalmarintan ka maqan oo la hadal hayaa hoggaamiyaha jabhadda FARC, Rodrigo Londoño, oo dhiniica ka waday dedaalka nabadda. Guddida oo wax laga weydiiyey sababta ay isagana u siin waayeen waa ay ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan. Waxase loo badinayaa in ay ka gaws-adaygeen in ay hoggaamiye jabhadeed oo weli kaynta ciidan ku haysta Nobel Peace Prize siiyaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa hadda burbur qarka u saaran nabaddii ay labada dhinac muddada dheer ka soo shaqaynayay kadib markii ay khilaafkan ku naf waayeen in ka badan rubux-malyuun qof. Waxa laga baqayaa in mar kale uu dagaalkii qadhaadhaa soo laba kacleeyo.

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com