Madaxweynaha Colombia Juan Manual Santos ayaa maanta guddoomay abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaan Nobel Peace Prize, taas oo lagu dhawaaqay 7-dii October in uu ku guulaystay.
Guddida bixisa abaalmarintan oo fadhigeedu yahay Norway ayaa u xushay Madaxweyne Juan Santos in uu noqdo shakhsiga mutaystay abaalmarinta nabadda ee 2016.
Guddida Abaalmarinta Nobel Peace Prize waxay sheegeen in madaxweyne Santos abaalmarinta haybadda leh ku kasbaday kadib markii uu dedaal weyn oo nafhurnimo ah ku bixiyey heshiis dhex maray dawladda Colombia iyo jabhadda FARC oo dagaal ba’ani ka dhexeeyey 52-kii sanno ee la soo dhaafay.
Qalalaasaha Colombia waxa ku naf waayey 220,000 oo qof, waxaana ku bara kacay 6 milyan oo qof.
“Colaad in la ridaa waa wax hawl yar, nabad in la dhaliyaase waa wax aad u adag” ayuu yidhi Madaxwene Sontos oo jeediyey khudbaddii uu ku guddoomay abaal-marinta caalamiga ah ee nabadda.
Madaxweyne Santos wuxu intaa ku dharay:
“Abaal-marinta rasmiga ahi maaha tan aan guddoomay, waa nabadda dalkayga ka dhalanaysa. Nabadda Colombiya waxay rajo u tahay meelaha kale ee dunida ee colaadaha gaamuray ka jiraan.”
Waxa xusid mudan in aan abaalmarintan hoggaamiyaha jabhadda FARC, Rodrigo Londoño, oo dhiniica ka waday dedaalka nabadda. Guddida oo wax laga weydiiyey sababta ay isagana u siin waayeen waa ay ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan. Waxase loo badinayaa in ay ka gaws-adaygeen in ay hoggaamiye jabhadeed oo weli kaynta ciidan ku haysta Nobel Peace Prize siiyaan.
Bandhige@gmail.com
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com