Sheegashada Somaliland ee Michael Keating, hambalyada carruurteena iyo aamusnaanta xukuumadda: saddex arrimood oo murugo leh!

Beryahan waxa soo badanaya culaysyada siyaasadeed ee Somaliland soo wajahaya. Qaarkood waxay kaga imanayaan dibedda kuwo kalena gudaha.
Ninka Qaramada Midoobay horjoogaha uga ah Soomaaliya Michael Keating ayaa u badheedhay wax aanu u badheedhin Ban Ki Moon. Barta uu Twitterka ku leeyahay wuxu ku qoray.

 “Doorashooyinkii bulshada Somaliland maanta ayay Muqdisho ka bilaabmeen. Waxa la doortay 4 nin iyo laba dumar ah. Tartano kale ayaa berito la filayaa.”

Waar ninku calool adakaa ma feedhaheenuu tirsaday. Doorashadeenu miyaanay ahayn ta aynu u ballansan nahay 27 March.  Dhawaqiisan waa la fahmi karayaa waxa uu uga jeedo. Kuwii hawshan u soo diray ee uu mushaharka ka qaadanayey ayuu tusayaa in aan loo kala hadhin doorashada Soomaaliya oo maca Somaliland-tii odhan jirtay dal gaar ah ayaanu nahay ay ka qayb qaadatay.

Ujeeddada uu doono ha ka lahaadee wuxu xaqiraad ku yahay 4-ta milyan ee reer Somaliland ah ee rubuc-qarani ka hor ku tashaday in ay qaran gaar ah noqdaan. Wuu og yahay in 100 qof oo geerash baabuurta lagu sameeyo lagu shiriyey iyo  kuraasida dhawrka ah ee la kala boobayaa aanay ummadda Somaliland aayahooda metelayn laakiin arrinkiisu waxa weeyi “Ku celceli beenta run bay u ekaane.”

Waxa iyaduna la yaab leh aamusnaanta xukuumaddeena oo aan weli ka soo saarin warqad kaliya oo ku qoran af dunidu fahmi karto. Horaa loo yidhi “Aamusnaantu waa oggolaansho”.

Bal xasuuso wakhtiyadan oo kale sidii ay u doobyi jireen Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale. Xasuuso tii kala qabsatay Cigaal iyo Jabuuti markii shirkii Carta sheegtay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliweyn. Madaxweyne Siilaanyo, halgamaagii ummadda ayaad tahay, dadkaaga hadal ha ku gabin. U caddee dunida warmoogga ah in aanay Somaliland qudhunka Xamar lagu walaaqayo qayb ka ahayn.

Arrinta kale ee murugada lihi waxa weeyi carruurteenan colmoogga  ah ee  hambalyeynaya waxa ay ku sheegayaan xildhibaano la doortay Xamar. “Hambalyo hebel oo jilibkayaga ah ayaa ku soo baxay Golaha Hoose ee Federaalka… Hambalyo heblaayo oo jilibkayaga ah ayaa ku soo baxay… waxaasi waa maxay? Qabyaaladdii ma waxa ay dhallinyaradeenii ilawsiisay wax kasta oo aynu wada lahayn, mise waxa ay ka hadlayaanba ma garanayaan?

Tuug ku xaday miyaad hambalyo ka daba diri lahayd? Maxaad horta ku hambalyeynaysaa nin qarankaagii khayaameeyey oo ka doortay gunnimo iyo boqolaal doollar. Maxaad ku hambalyeynaysaa qof beeniyey halgankii dhammaa ee ummaddani soo gashay? Siday kuula qurux badnaataa wixii aabahaa iyo awowgaa la foolxumaa ee ay dhimashada ka doorteen? Dib isugu noqo. Yaqiinso tuug waa tuug walaalkaa kol ah ku tahay. In aad ka faanto mooyee in aad kuwaas oo kale ku faantaa waa kuu doqoniimo!

Mar kale xukuumadda waxan u soo jeedinayaa in ay jiljileeca ka baxdo. In ay mar kale dunida u caddayso waxa aynu nahay. In ay calooshood u shaqaysteyaasha magaceena ku shaqaysanaya ugaadhsato oo kii ay qabataba katiinad ku dhajiso, naxariis la’aana ay xabsiga ku qudhmaan.

Ismaaciil Cabdi Warsame

London, UK
ismaaciilcw@gmail.com