Wakaaladaha sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushka uu u howlgalay si qarsoodi ah si uu u xoojiyo Donald Trump tartankii doorashada ee dalka, waxa sidaa wargeyso caan ah u sheegay saraakiisha Maraykanka.
Warbixin lagu qoray wargeyska New York Times ayaa sheegaysa in wakaaladaha sirdoonku ay “kalsooni sare ku qabaan” in Ruushku uu ku lug lahaa weerrar dhanka internetka ah.
Bayaan ka soo baxay CIA-da oo uu daabacay wargeyska Washington Post ayaa sidaas oo kale lagu sheegay.
Hasayeeshee kooxda Trump ayaa beeniyey hadalka CIA, waxa ayna yidhhaahdeen:
“Kuwan waa dadkii yidhi Sadaam Xuseen waxa uu haystaa hubka wax baabi’iya.”
Saraakiisha Ruushka ayaa lagu soo warramayaa in ay iska fogeeyeen eedaha ah in ay u dhaceen computerrada.
Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa amray in la baadho weerraro taxana ah oo dhanka internetka ah, oo lagu eedeeyay Ruushka intii ay socdeen doorashooyinkii Maraykanku.
Dadka u jabsada computerrada ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen emaillada Xisbiga Dimuqraadiga iyo kaaliye sare oo ka tirsanaa kooxdii Hillary Clintion.
Bishii Oktoobar, saraakiisha dawladda Maraykanka ayaa eed dusha kaga tuuray Ruushka iyagoo ku dhaleeceeyay in ay faragelin ku hayaan ololihii doorashadaa.