Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay warbixin sannadeed ku saabsan tacadiyada xuquuqal insaanka

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay maanta soo saartay warbixin sannadeedkii 2016 ee xaaladda xuquuqal insaan ee dalka. Warbixintan oo sanad walba la soo saaro ka hor maalinta caalamiga ah ee xuquuqal insaanka oo ku began 10ka December, waxa lagu soo badhigay tacadiyadda dhacay sanadkan.

Warbixintu waxaay diirada saaraysaa dhawr meelood oo ay ka mid yihiin:

  • Booliiska Somaliland oo dhaqma sida ciidanka militariga iyada oo aanay jirin cid madani ah oo maamusha iyada oo booliisku u dhaqmayo sidii amar fuliyayaal ee aanay u dhaqmin adeegayaasha bulshada;
  • Cabudhinta iyo xadhigga lagula kaco suxufiyiinta iyo dadka dhibta aragtiyaha ka soo horjeeda dawladda;
  • Maxkamadaha ciidanka oo qaadaya dacwado ay dhinac ka yihiin dad shicib ah;
  • Dad si aan sharci ahayn oo aan loo baahnayn loo masaafuriyay.

Warbixintani waxaay ku sallaysan tahay cilmi baadhis laga sameeyey Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Ceergaabo iyo Gabiley. Intii u dhaxaysay Februray iyo November 2016, waxaanu waraysanay 221 qof oo isugu jira suxufiyiin, dad ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, qareeno, garsoorayaal, saraakiisha jaamacadaha, saraakiil dawladda ah, dad xidhan iyo dadwayne. Xaruntu waxaay booqatay 11 saldhig Booliis oo ku yaal Hargeysa, hal saldhig booliis oo ku yaal Ceergaabo iyo laba saldhig booliis oo ku yala Burco. Waxaay sidoo kale booqatay xabsiyada Gabiley, Burco iyo Ceergaabo. Dacwado ayay akhriday oo si dhow u qiimaysay. Xaruntu waxaay sidoo kale leedahay hab uu ka mid yahay mid elektorooni ah (data base) oo ay u isticaamsho inay ku kormeerto xaaladda xuquuqal insaan ee Somaliland.

Somaliland inta badan waxaay sheegtaa in xorriyadda warbaahinta iyo cabiriddu ay cadayn u yihiin dimoqraadiyadeeda, doorashooyinka xisbiyada badan, xorriyada isku so baxa iyo nabada iyo amniga ka jira iyada oo gobolka intiisa kel uu yahay mid qalalaase ka jiro. Haseyeeshee, laba iyo toban kii bilood ee u danbeeyey, Xaruntu waxaay diiwaangelisay garaacis, kadeed iyo xadhig loo gaysto suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraadda wargeysyada.

Tirada guud ee suxufiyiinta sanadkan la xidhay waa 28 suxufi marka la bar bar dhgio 19 la xidhay sanadkii hore. Laba wargeys ayaa la xayriay taas oo ka dhigtay tirada guud ee wargeysyada la xidhay sanadihii u danbeeyey ka dhigaysa shan. Laba ka mid ah ayaa dib loo fura.

ย ย 

Lix suxufi ayaa loo xidhay arimo la xidhiidha marshuuca dekedda Berbera. Sideed kale ayaa loo xidhay arimo khuseeya dhul dawladeed oo la iibiyay ama la wareejiyay.

Waxa intaas dheer in todoba qof loo xidhay kadib markii ay ka haldeen heshiis dhex maray dawladda Somaliland iyo shirkadda Imaaradka Carabta laga leeyahay oo la yidhaahdo Dubai Ports World si loo balaadhiyo dekedda Berbera oo looga dhigo xarun ganacsi oo heer gobol ah. Xaasaasiyadda ay dawladdu ka qabto eedaha ku saabsan musuq maasuqa guud ahaan gaar ahaan heshiiska dekedda Berbera waxa cadeeyn u ah xadhiga loo gaystay todobada qof ee ku mucaaraday heshiiska.

Xaruntu waxaay ogaatay in habka sharci ee dalka u yaal aan loo raacin inta badan marka dadka la xidhayo iyada oo la iska baal maro habraacyada sharci. Xadhigga sharci darada ahi waa mid badan. Booliiska oo dadka si xun ula dhaqma sida garaacista ayaanu warbixino badan ku helnay. Xaaladda saldhigyada booliiska oo aad u cidhiidhi ayaa ah mid laga naxo. Dadka qaar baa lagu hayaa saldhigayda mudo ka badan 48 ka saacadood ee sharcigu waajibiyay iyada oo aan maxkamad la hor keenin.

Mudada rumaanka dadka lagu hayo ayaa si aan daruuri ahayn loogu dheereeyaa hanaan loo yaqaan xalaalayn. Inkasta oo sharcigu uu dhigayo shuruuc adag oo ay tahay in la raaco marka la haynayo qof ka hor intaan dacwadiisu bilaabmin, booliisku wuxuu hor keenaa qofka xidhan garsoore u cusboonaysiiya mudada haynta iyada oo aan la tixgelin sababta loo xidhay, suurtagalnimada in lagu sii daayo damiin, iyo mudada caqli galka ah ee loogu baahan yahay in lagu baadho dacwadda iyada oo maanka lagu hayo nooca dacwadda.

Booliiska Somaliland ma hoos yimaaddo awoodda dacwad qaadids ee maxkamadaha caadiga ah. Maqnaanshaha aanay jirin korjoogtayn iyo la xisaabtan darteed, booliisku wuxuu helay fursad uu ku isticmaalo awood isaga oo aan eegayn sharciga aanayna jirin talaabo sharci oo laga qaadi karo.

Maxkamadaha ciidaanku waxaay weli qaadaan dacwadaha ay dhinaca ka yihiin dadka shacabka ah, taas oo ka soo horjeedda dastuurka Somaliland. Xaruntu waxaay sanadkan diiwaangelisay 29 dacwadood oo dad shicib ahi dhinac ka yihiin oo ay qaaday Maxkamadda ciidanka ee Hargeysa. Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidaanku waa saraakiil ciidanka militeriga ka tirsan. Dastuurka Somaliland si cad ayuu u mamnuucay in maxkamadaha ciidanku ay dhegaystaan dacwdo ay dhinac ka yihiin dad shacab ahi.

19-kii January 2016 booliiska Somaliland iyo Waaxda Socdaalku waxaay si rasmi ah u bilaabeen olole heer qaran ah oo ay dadka u dhashay Itoobiya dib ugu masaafurinayeen dalkoodii. Sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran cadde, dawladu waxay goโ€™amisay oo ay fulisay in ay dib u mustafiriso dadka aan u dhalan wadanka ee bilaa sharciga ah. Masaafurintaas baahsani waxaay ka soo horjeedda qaanuunka caalamiga ah, waxayna keeni kartaa in dad halisi soo food saari karto la celiyo. Sidoo kale 7dii August 2016, wasiirkii hore ee Arimaha Guduhu wuxuu sifo sharciga ka soo horjeedda uu ugu masaafuriyay Itoobiya laba qof oo reer Suudaan ah.

Guuleed Axmed Jaamac

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland