Madaxweynaha cusub ee Gambia wuxu dib laabtay dalkiisii

 

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego. Dadweyne tiro badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul.

Barrow ayaa todobaadkii hore lagu dhaariyey safaarada Gambia ku leedahay dalka Senegal.

Hoggaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa ku qanciyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh in uu xilka baneeyo todobaadkii hore, wuxuu hadda ku sugan yahay dalka Equatorial Guinea.

Barrow ayaa laga dalbaday in uu si deg deg ah dalkiisa ugu noqdo si looga baaqsado in dalku uu hoggaamiyo waayo.

Kumannaan ciidammo ka socdo dalalka galbeeda Afrika ayaa ku sugan dalka Gambia iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidammo wali taabcan jammeh ay ka tirsan yihiin xooggaga amniga Gambia.

Madaxweyne Barrow waxa safarkiisa ku wehlin doono ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan galbeedka Afrika Maxamed ibn Chambas oo sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan siin doonto dawladda Gambia dhinaca sugidda amniga.

bandhige@gmail.com