Ururka Daalibaan ayaa warqad lama-filaan ah u diray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump taas oo ay kaga dalbanayaa in uu xil iska saaro sidii uu Afgaanistaan ugala bixi lahaa ciidamada Maraykanka.
Daalibaan waxay warqaddooda ku sheegeen in ciidamada Maraykanku ay Afgaanistaan ku sugnaayeen 15 sanno, wakhtigaas oo dhiig qulqula mooyee wax faa’iido ah oo ay ka soo hooyeen aanu jirin.
Warqaddan ay Daalibaan u direen Madaxweyne Donald Trump waxay ahayd mid furan, waxaanay ku daabaceen boggaga internet-ka ee kooxdan taageera.
Sannadkii 2001-dii ayaa ciidamada Maraykanka iyo huwanta NATO ay galeen Afgaanistaan kadib markii ay sheegeen in Cusaama Bin Laden oo ugu eedaysnaa in uu ka dambeeyey weerarkii 11-kii September ee lagu burburiyey daarihii ganacsiga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka.
Ciidamadii Maraykanka badankoodii waxa ka saaray Madaxweyne Obama waxase hadda ku sii hadhay 8,400 oo askari oo farsamo ahaan iyo tabobar ahaan ula shaqeeya ciidamada Afgaanistaan.
Daalibaan waxay Donald Trump uga digeen in uu dhagaysto marin-habaabin uga timaad Xoghayihiisa Gaashaandigga ee cusub ee lagu naanayso “Ayga Waalan” oo hore uga soo dagaalamay in uu ku qalqaaliyo in dagaalkii Afgaanistaan dib loo cusboonaysiiyo, taas oo ay Daalibaan warqaddooda ku sheegeen in Maraykanku si xun ugu jabi doono.
Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka