Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wefdi ka socda Somaliland

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Wakiiladda, ahna ku-simaha Gudoomiyaha Mudane Siciid Mire Faarax Giire.

Kulankaas oo u soo qabanqaabiyey Safiirka Somaliland ย ee dalka Jabuuti Mudane. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa Gudoomiye-xigeenka Mudane Giire ku wehelinayey xildhibaan Cabdikariim.

Kulanka Madaxweynaha Jsabuuti iyo wefdiga Somaliland ayaa ย lagaga wada hadlay xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee ku dhisan walaalnimada labada shacab.

Dhinaca kale wefdiga gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland md. Giire oo booqasho ku tegay xarunta baarlamaanka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay gudoomiye-xigeenka Wakiilada Jabuuti, oo lagaga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa isku soo dhowaansho shaqada labada baarlamaan.

Waxa kale oo ย wefdigu ayย  oo booqasho ku tegeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti u uu ku qaabilay Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahin ka siiyey shaqada wasaarada.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

bandhige@gmail.com