Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore kormeeray dhismaha xarunta lagu keydin-doono keydka taariikhda qaranka iyo casriyeynta taaladda diyaarada Hargeysa.
Waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.
Dhismeyaashan ย oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw gabaabsi, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.
ย Wa-bilaahi Tawfiiq
—
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl