Madaxweynaha JSL oo dalka dib ugu soo noqday iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Warbaahinta la hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan dalka Itoobiya u joogay hawlaha shaqo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka.

Waxaana soo noqoshada madaxweynaha iyo weftigiisa warbaahinta uga warbixiyey wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen halkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen madaxda qaarada Afrika, wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Waxaanu yidhi wasiirku “shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, ilaahay mahadi ha ka gaadho waxa aanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay intii ay ku jireen arrimaha shirkaasi in si heer sare ah loo qaabiley waxaanu yidhi “shirkaas haddii ay tahay ka soo qaybgalkiisa iyo tegi taankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tageynay cidii aanu la kulanay, dawladda Itoobiya iyo intii kale ee aanu la kulanayba si meeqaamkeedu aad u sareeyo ayaa la noo soo dhaweeyey, meeqaam la siman ama la mida hadiiba aanu ka sarayn waddamo badan oo Afrika ah ama dalalka Afrika oo dhan intii la siiyey meeqaamkii madaxdooda ayaa madaxweynahana la siiyey oo lanagu soo dhaweynaayey oo aanu kaga qaybqaadanay meel walba oo aanu joognay. Waxa aan idin sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Itoobiya, gudoomiyihii cusub ee loo doortay Afrika sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen”

Hoos ka daawo muuqaaka: