Xubno kamid ah golaha wasaaradda Somaliland oo si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay Wasiirka Haweenka iyo qoyska Dawlada djibouti Marwo Moumuna Houmed Hassan oo socdaal ku timid magaalada Hargeysa.
Safarka wasiirka ayaa daba socday safar shaqo oo ay hore ugu tagtay wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jsl dalka Djibouti.
Waana markii labaad ee labada wasaaradod ay isku waydaarsanayaan aqoonta iyo shaqooyinka ay dadkooda u hayaan.