Madaxweynaha Jsl waxa uu shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Maxamed Cabdi Raage oo maanta Hargaysa ku geeriyooday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum ย Maxamed Cabdi Raage oo ku geeriyooday maanta ย oo ay taariikhdu tahay 16/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi wasiirkii hore ee horumarinta maaliyadda, imikana ah xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu marxuumku aabbihii ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.