Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo lagu kordhiyay Taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland gaar ahaan Xarunta Hargeysa.
Sidoo kale Ciidanka Dab-demiska ayaa munaasibadan ku soo bandhigay Waxqabadka sanadkan 2019 iyo Qorshaha Sannadka 2020, taasoo ciidanka Dab-demisku soo bandhigay waxqabad badan oo ku saabsan Hawlgalada Dabka, Samatabixinaha Dadka iyo Duunyada.
Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa warbixin dheer halkaa Madaxweynaha ka siiyay waxqabadka sannadkan u qabsoomay ciidanka, waxaanuu halkaa taliyuhu ka sheegay in sannadkan ka hawlgaleen 942 Hawlgal oo iskugu jiray Guryo gubtay, Gaadiid, Ganacsiyo iyo hawlgalo kale.
Sidoo kale wuxuu taliyuhu madaxweynaha warbixin ka siiyay Mashaariicda Qabsoomay Sannadkan oo ay ku jiraan 11 Gaadhi oo 5 Gaadhi ay bixisay Dawlada Hoose Hargeysa, 2 Gaadhina ay bixisay Dawlada hoose Gabiley, halka 4 Gaadhi laga soo iibiyay Miisaaniyada Qaranka.
Dhanka Dhismayaasha ayaa taliyuhu sheegay in sannadkan dhisme saddex dabaqa lagu kordhiyay Taliska guud ee ciidanka, waxaana iskaa wax u qabso ku dhisay farsamayaqaanada ciidanka.Waxaa iyagana ka mida Dhismaha Ciidanka Dab-demiska Gabiley, Dhismaha xarunta gobolka Sool oo kharashkeedu 100% guddida qandaraasyadu fasaxeen dhamaanteed.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Badda,Taliyaha Asluubta,Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha, la taliyaha Madaxweynaha iyo martisharaf kale ayaa halkaa iyaguna hadalo dardaraan iyo bogaadin ah u jeediyay ciidanka Dab-demiska iyo waxqabadka sannadka.
Ugu dambayn Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horayn salaam ka qaatay xubno ka tirsan ciidanka Dab-demiska waxaanuu u mahadnaqay Xubnaha naftood hurayaasha Ciidanka Dab-demiska iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dab-demiska shaqada culus ee ay u hayaan qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday shaqada adag ee ay leedahay dab-demisku taasoo u baahan adkaysi iyo sabar.
Ugu dambayn wuxuu madaxweynuhu dardaaran dheer siiyay xubnaha ciidanka Dab-demiska oo uu kala dardaarmay inay ka digtoonaan Balwadaha iyo qabyaalada, sidoo kale wuxuu wacyigelin siiyay bulshadu inay waddooyinka u banneeyaan ciidanka Dab-demiska marka hawlgalada lagu jiro. Ugu dambayna wuxuu xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee lagu kordhiyay Taliska guud ee Ciidanka.
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990/ Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com