Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Washington todobaadka soo socdo si uu ula kulmo madaxweyne Maraykanka Donald Trump.
Waxay ka dambeysay markii madaxweyne Donald Trump uu sheegay in ay fiicnaan lahayd in madaxweynaha Mexico uu iska baajiyo safarkaasi haddii Mexico aysan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta lagu dhisayo darbiga xadka labada dal.
Dhismaha darbiga ayaa la sheegay in ay ku bixi doonto $15 bilyan.
” Haddii Mexioc aysan diyaar u ahay in ay bixiso darbiga aan aadka ugu baahanahay, waxaa markaasi ila quman in madaxweynaha mexico uu baajiyo kulankii ana yeelan lahayn.”Mexico ayaa sheegtay inaysan bixin doonin kharashaadka darbiga uu Donald Trump ka dhisayo xadka Mexico iyo Maraykanka.
Enrique Pena Nieto oo qaranka khudbad u jeedinayay ayaa ku gacanseydhay qorshaha dhismaha darbiga isagoo intaa ku daray in ”Mexico aysan aaminsanyn dhismaha darbi”.
Donald Trump ayaa horay u sheegay in Mexico ay bixin doonto qarashaadka darbiga uu qorsheynaya inuu ka dhiso xadka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.
Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.