Beesha Caalamka oo ka gadoodday go’aanka muddo-kordhinta loogu sameeyey Madaxweyne Siilaanyo

 

“Beesha Caalamka ee Somaliland iskaashiga la leh waxay  si xun uga niyad-jabeen go’aankii ay Madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku dib ugu dhigeen doorashooyinka ilaa 10-ka Octoobar. Waxay kaloo ka xumaadeen in doorashadii goleyaasha deegaanka ay sannad dib u dhigeen iyagoo ku ladhay doorashada Golaha Wakiillada oo haatan kursiga ku fadhiya 12 sanno”

Sidaa waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay safaaradda Denmark ee Nayroobi oo ay hoosta kaga qoran yihiin Denmark, Midowga Yuru, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Bulshada Caalamku ay la dareemayso dadka Somaliland dhibaatada ka dhalatay abaaraha hadda ka jira Somaliland. Waxayna sheegeen in Qaadhaan-bixiyeyaashu ay ka qayb-qaateen isla markaana ay sii wadi doonaan ka-qayb-qaadashada gurmadka abaaraha.

Beesha Caalamku waxay sheegeen in diifta ka dhalatay abaaraha aan la dafiriki karin laakiin jawaabta laga bixinayaa ay noqoto in xukuumaddu ay muujiso gurmad degdeg ah iyo hoggaamin iyadoo la kaashanaysa saaxiibada Beesha Caalamka.

“Beesha Caalamku markii ay Hargeysa yimadeen toddobaadkan waxay caddeeyeen in aan abaaraha laga dhigan marmarsiiyo lagu dib loogu dhigo doorashada madaxtooyada. Dib-u-dhigista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu waxay si cad uga hor imanaysaa go’aankii Maxkamadda sare soo saartay 28-kii August 2015, waxayna dib-u-dhigayaan doorashooyinka maxaliga ah iyadoo aan loo cuskan wax macquul ah, waxayna tani dhaawacaysaa kalsoonidii shacabka iyo tii bulshada caalamku ku qabeen hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland”

War-murtiyeedku wuxu intaa ku daray:

“In kastoo ay bulshada caalamku barbar taagan tahay horumarka dadka Somaliland, haddana go’aankan ugu dambeeyey ee doorashooyinka dib loogu dhigayaa wuxu keeni doonaa in beesha caalamku ay dib uga fikirto hannaanka ay ula macaamisho Somaliland.”

Link-gan hoose ka akhriso war-murtiyeedka oo Af-Ingiriisi ah.

FINAL. Statement by the international partners to Somaliland. 2017.01.26…