Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay wefti ka socda Jamhuuriyada Czech

????????????????????????????????????

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhayn oo ka socda Jamhuuriyadda Czech oo ah waddan ku yaalla badhtamaha qaaradda Yurub.

Sida uu tibaaxay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shir-saxaafadeed ku duhurkii ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, weftigu wuxu isugu jiraa xubno ka socda dawladda, xubno ka socda jaamacadaha iyo xubno ka socda ganacsatada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa weftiga u sharxay taariikhda Somaliland, una soo bandhigay fursado maalgashi oo  ka bannaan Somaliland.

Dr.  Cali Shire ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku hanweyn tahay in weftigani ay gogol-xaadh u noqon doonaan maalgashi Somaliland uga yimaad Jamhuuriyadda Czech.

Weftiga ayaa la filayaa qaybihiisa kala duwan in ay la kulmaan wasaaradaha iyo hay’adaha Somaliland ee khuseeya.

Waddanka Czech iyo Somaliland ayaa wadaaga taariikhda ah in mid waliba uu xoriyaddiisa kala soo noqday waddan uu hore uga mid ahaan jiray. Czech waxay kala baxeen waddanka Slovakia oo ay hore u wada ahaan jireen waddankii la odhan jiray Czechoslovakia, waana waddan ay Somaliland ka baran ka baran karto sida aynu Soomaaliya sharci ahaan u kala guran karno.

Hoos ka daawo muuqaalka shir-saxaafadeed ay wada-jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xubanaha Weftiga.