Madaxweynaha Somaliland oo u Quusgooyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xulafadiisa

Qore Khadar M . Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay jirin wax muddo kordhin ah, isla markaana qorshahoodu yahay in sharciga la ilaaliyo doorashana la qabto dalkana la difaaco.

Waxaa kale oo madaxweynaha Somaliland, uu u uquus gooyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xulafadiisa, waxaanu wacad ku maray inay Somaliland iska celinayso dhibtay doonto haw marte, waxaanu intaas ku daray in uu indhaha ka qarsanayo Xasan Sheekh in Somaliland iyo Soomaaliya 34 sannadood laba dal kala ahaayeen.

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa fagaare ilyartu isqabatay ka sheegay in ay ka go’an tahay meel marinta gobolnimada Saraar iyada oo loo marayo shuruucda dalka u taalla.

Waxaanu yidhi.“Laba qodob ayaynu isku raacsanahay difaaca Qaranka talo wadaaga iyo doorashaduba waa laba, wakhtigii madaxweynaha loo kordhiyay waa dhamanaya, mar ayaa la kordhiyay mar labaad sharcigu ma ogola, caqliga saliimka ahina ma ogolanaayo, culeysna wuu ina haystaa, hase ahaate waxa ay dantu noqotay in aynu sharciyadeenana illaashano oo doorasho qabano dalkeenana difaacno.

Inteena tartamaysa inteena aragtiyaha kala duwan le dhammaan waxa aynu ka mideysanahay difaaca Qaranka iyo wixii caddaw inoo soo maleegaba inaynu dhirbaaxo kulul ku dhufano guda iyo dibedba.

Dhammaan gobollada dalku taas way ka siman yihiin, in badan waad maqasheen gobolka Awdal ayaa ruxay, dhinac walba waa lagala hadlay, meelo aynaan ka fileyn ayaa wax ka walwaalaqay bulshada Awdala siday u muujiyeen warbaahinta ayaad ka daawaneyseen meelkasta oo Somaliland laga difaacayo illaa 1991-dii inagala mid ayay ahaayeen intii ka sokeysayna hadalkeedaba daa, marka walaalayaal difaac iyo doorasho labadaba waynu u baahanahay”

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland, ayaa uquus gooyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xulafadiisa, waxaanu wacad ku maray inay Somaliland iska celinayso dhibtay doonto haw marte.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ka hadlay dowladdaha aan garan la’ahay halka ay inagala qaadeen, ee odhanaya Soomaaliya waa mid, waata Xamar joogta oo kaliya, dowladahaasi ma indha’la, dowlad kasta waxay eegta danteeda ee cadaaladda ma eegto, Masarta inoo hanjabaysa waxay furi kari wayday meesha Rafac la yidhaahdo ee cuntadu u soomari lahayd Falastiiniyiinta.

Ninka Xasan Sheekh la yidhaahdo ee Xamar jooga ayaa Masaajid ILLAAHEY lagu caabudo ka hadlay, wixii uu ku hadlayna runna may ahayn, cadaaladna may hayn, garna may ahayn, Minberkii sheekhu ka ducaynayayna wuu taagnaa, Itoobiya haddii ay wada hadlayaan maxaa badda Somaliland soogeliyay may wax kale kawada hadlaan, bada uu sheeganayaana waa Badda Cas ee ay Somaliland, leedahay, markaliya odhan mayo Somalilandba wax geysatay iyo Somaliland ayaa naga go’aysa, Somaliland ma soo qaadayo, wuxu u qaba wixii dhacay in aanay dhicin, ee caalamku markhaatiga ka ahaa ee ta Qasa ka adkeyd in aanay cidhin indhaha ayuu iska tiraya.

Waxa uu iska indha tiraya in Somaliland iyo Soomaaliya 34 sanadood kala laba dowladeed ahaayeen, oo aanay waxba wadaagin, distoor ma wadaagno, dowlad ma wadaagno, Diinta Islaamka iyo Afka ayaa innaga dhaxeeya, hadana waxa uu leeyahay aniga ayaa xukuma ee maa la ii soo maro, waxaana ugu marag furaya dowladdo ay ka mid yihiin Qadar iyo Turkey, Jabuuti, iyo Masar.

Somaliland waxa loo diidan yahay waa dowlad waliba danteeda ayaanay ka dhex arkayn horumarka Somaliland.

Dig digta Xasan Sheekh iyo qolada danihiisa u daba joogta way innagu daalayaan, dagaalkoodana waanu iska celinaynaa, dhibaato kastana waanu u maraynaa, horeba aabayaashiin ayaa u soo maray, awoowyaashiin ayaa u soo maray, waliba Saraar iyo Caynaba oo aan imika ka hadlayo taariikhdeedada waa la yaqaana.”

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa fagaare ilyartu isqabatay ka sheegay in ay ka go’an tahay meel marinta gobolnimada Saraar iyada oo loo marayo shuruucda dalka u taala.

Waxaanu yidhi.“Sarar gobolnimadeedu cidna bariyimeyso waana degmada ugu da’da weyn Somaliland iyo bulshada oo dhan, shuruucda ayaa la soo marinaya mabda ahaana waynu isku raacsanahay”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com