Madaxweynaha Somaliland wuxu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo Ceel Afweyn

Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka qaybgalay Xuska Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee 8-May oo maanta oo ay taariikhdu tahay 09.05.2018 lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu fariin baaqa u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka ceel afweyn  ee gobolka Sanaag.

Waxaanu madaxweynuhu yidhi “waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.

Hadaa wararku ina soo gaadhayaan inay dhawr meelood saaka dagaal ka bilaabeen ceel afweyn, waana dagaal soo noq-noqday, qaranka Somaliland qofkasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiqdheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxan ka rajaynayaa in aynu nabaddeeda degdeg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagno”.

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/