Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaana loo sii xoojin lahaa.
Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siiyey sidii uu xidhiidhka labada dal uย noqon lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey is-kaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho.
Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somalilnad, ayaa kusoo beegmaya xilli uu xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo, isla markaana ay bulshada labada dhinac yihiin kuwo dhaqan iyo isir wada dhalasho wadaaga wakhtigana si habsami leh isugu tallaabaan dhinaca xuduudaha labada dal.
—
Naasir Yuusuf Daahirย
Directorย Presidentialย ofย Media
Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
Line: 518390
Tell: 63-4423774
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl