Beddel afar iyo siddeetan bilood iyo maalmo ayuu dalka ka maqnaa oo uu qurbaha jiray. Xagaagii dhawaa ayuu nasiib u helay inuu dhulkii hooyo ku soo guryo noqdo. Intii aanu dhoofin wiil firfircooni iyo karti badnaan lagu majeerto ayuu ahaa. Labadiisa waalid oo awlaadu ka noqon jireen ayaa magaca Beddel ugu wal-qalay, iyaga oo aaminsan inuu yahay beddelkii ubadkii ka saqiiray.
Kooxda kubadda cagta ee degmada isaga ayaa waligiiba hormood u ahaa. Masโuuliyadda waxa u dheerayd farsamo-ciyaareed sare oo uu ku soo bandhigi jiray garoomada kubadda. Nasiibka ayaan sidoo kale ka eexan, ciyaar ย kastana ugu yaraan hal gool ayuu kooxdiisa u dhallin jiray, haddii aanu ka badsan ba. Xirfaddiisa dhinaca kubadda cagtu waxay ahayd mid carro-ka-waa ah. Fursadaha goolal lagu dhalin karo ee uu abuuri jiray; difaaca kooxda ka soo horjeedda ee uu kala daadin jiray iyo kubadaha uu sida xirfadda sare ku lammaan tahay u daba marin jiray goolhayayaashu, waxay ka dhigeen shakhsi caan ah oo aad loo wada jecel yahay. Magaciisu waa hore ayuu duulay oo dabaylaha raacay. Marka laga yimaado guulaha isdabajoogga ah ee uu kooxdiisa u horseeday, waxa intaasi u dheerayd hoggaamin iyo dhabar-adayg uu muujiyey mudadii uu kooxda kabtanka ka ahaa. Intaasi oo la isku daray ayaa magaciisa ka dhigtay mid meel walba ka dhacay oo ay caruuraha yar-yari ku hadaaqaan.
Hubaal ahaan haddii uu Beddel ku noolaan lahaa dunida tanaaday ee kubadda cagta cisaysa, dhaqaalahana u hurta, cagtiisa ayuu ku ciilbixi lahaa. Naadiyada kubadda cagta ee dalalka horumaray ayaa helitaankiisa ku loollami lahaa. Ayaandarro qaranka qalfoofka ah ee uu ku abtirsado ayaan u saamaxayn inuu ku xisaabstamo dhaqaalaha baaxadda leh ee ay qayrkii qaataan. Waqtigii ay xirfaddiisu halka ugu sarraysa maraysay, curuqyadiisuna cuddoonaayeen, fursad uma helin uu ugu soo bandhigo dunida ciyaaraha jecel qaab-ciyaareedkiisa lama-aragga ah. Maanta oo uu joogo dalalkii hore u maraynna tartan ma gali karo maxaa yeelay xirfaddiisu sidii uma xooganna, cimrigiisuna wuu cararay.
Gabadh qurbaha ka timid oo dalka fasax ku soo gaadhay ayaa ka heshay magaciisa meelmaray iyo cabqarinimadiisa dhinaca kubadda cagta. Ka dib waxay dadaal u gashay sidii ay u hantiyi lahayd qalbiga wiilkan caanka ah. Qorshihii ay dajisatay ayaa u shaqeeyay oo durba wataasi gacanta ku soo dhigtay. Sidaasi ayay isku guursadeen muddo ka dibna uu qurbaha kaga daba tagay xaaskiisa.
Waqti aan badnayn markii ay raaxo adduunyo ku jireen ayaa albaab kale oo nolosha ahi ku furmay. Dalka uu tagay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af ahaan midna ulama falgali karo. Wiil dhalinyar ah oo degmadii uu ku dhashay aan dhinacna u dhaafin ayuu ahaa. Xaaskiisa ayaa u indho iyo dhegaba ahayd. Odaygu show kubadda ayuun buu cimlaaq ku ahaaye jirrabka kale ee nolosha kowba ma joogin! Sida gadaal ka soo baxday, dugsi ma aadin taasina turunturro uu tabaalaheeda dib ka dareemay ayay noqotay.ย Yeelkeede haddii uu si uun xoogsi diyaar ugu noqon lahaa wuu ka lib keeni lahaaye, dhaqan tacab nacayb ah oo u qarsoonaa ayaa ka soo mudh baxay. Waxa taasi u raacday dabeecad xumo aanay ruuxna geedkaa isla gaadhayn.
Gabadhu way shaqaysaa oo aroorta hore ayay guriga orod kaga baxdaa, goor danbe oo habeen galayna way soo hoyataa. Ubad iyo cid kale oo imika ahaan daryeel uga baahani ma jirto, ha yeeshee inuu ย si edeb iyo madaxbanaani leh isku maamulo ayay doodi ka taagan tahay. Caqabado aan tiro yarayn ayaa kaga gudboon inuu u badheedho halganka nolosha. Luqad shisheeye fahankeed ha sheegin, fikir guud oo uu ka haystay nolosha dunidan uu soo hayaamayna ha ka yaabin. Nin maskax adag ma ahayne, hore ayaanu iskuguba dayin, maantana waxa uu u arkaa in waagu gadaashiisa ka baryay. Arrinkiisu waxa uu ka dhigan yahay nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee. Waxa intaasi oo dhan ka daran isaga oo aan haabkaba ku hayn in uu is abaabulo oo kifaaxa nolosha waajaho. Taas ka soo horjeedkeeda, waxa uu ka doorbiday inuu xaqiiqada nolosha kaga dhuunto marfash qolo ay dhawaan isbarteen ku qayilaan. Halkaas ayuu ku qaataa waqtigiisa inta ugu badan. Beryihii danbe waxa uu bilaabay inuu dhaxo oo habeenno isku xiga aanu xaaskiisa ka soo ag wareegin ba.
Dhinaca xaaskiisa, muxubbadii badnayd ee ay u qabtay Beddel way soo gudhay oo hungo madhan ayay joogtaa. Waxay iswaydiinaysaa kala duwanaanshaha magacii ay ka daba dhacday iyo shakhsiyaddan tacab ha joogee, si basar leh u noolow ay ugu maaro laadaโay. Niyadjab weyn ayaa la soo dersay. Waxay xaqiiqsatay in sal-fudayd qaaday oo ay magac madhan raacday. Hadallo wada qalafsan iyo inay la joogiisa ka qashaafto ayay bilawday. Qaabdarro aan la qiyaasi karin ayaa kalgacalkii iyo isku kalsoonidii kobteedii beddelay. Isfahan darro weyn oo qunyar qunyar u soo gaamuraysay ayaa farxaddii ay filaysay oof-wareen iyo firkanax ku noqotay. Markii ay aragtay in xaalkiisu aanu ka soo raynayn, goโaan ayay qaadanaysaa oo waata dharkiisii bac madow ugu guraysa ee iska eryaysa!
Ninkii Beddel ahaa arladii ballaadhnayd ayaa ku soo koobmaysa, afarta jiho dhinac uu u dhaqaaqo waa ka garanwaayaya. Mar danbe ha soo xusuusto marfashkii uu arlada dhan ba ka yaqaanay. Halkaasi meel u dhaanta waa ka garan waayey ee isaga oo bacdiisii madoobayd xambaarsan, si rasmi ah iskaga dhiibaya qolkaasi asxaabta fadhi-ku-dirirka ah xarrunta u ah. Kuma cusba oo meeshu waa halkii laga qaniinay. Saaxiibadiisii mijiliska rukunnadda u ahaa si ballaadhan meesha ha ugu soo dhaweeyeen.
Waayaha dunida ee isdaba marayaa waa kuwa irrid kale oo nolosha ah u furay. Si uu kifaaxa nolosha ugu guulaysto, waaka isku dayaya inuu la qabsado dhallinta mijiliskan fadhiisata. Waa kuwa abaabulaya ee caydha soo qoraya, dabadeedna marfash jaad ku balaminaya si uu halkaasi uga macmiisho. Noloshii waa ta isku sarjarantay ee soo qaad oo dhiib dhaafi wayday. Asxaabta meesha ku kulantaa waa niman balwada badane, ย isna waa ka si fiican ula qabsaday ee god walba oo ay galaan si indho la’aan ah uga daba galay.
Sidaasi ayaa toddoba sanno kadib, Beddel dalka loogu soo celiyey. Ninkii furfurnaa ee fariidka ahaa maanta maaha. Ninkii kubadda cagta magaca weyn ku lahaa maaha. Ninkii carruurta magaalada loogu magac dari jirayna maaha. Waa nin doorsoon oo aamusnaan iyo maahsanaani ka soo hadhay. Waa nin gole-ka-maag ah oo cidlada iyo faqa naftiisa wehel ka dhigtay. Muuqu waa Beddel kii ย caanka ahaa, ruuxduse waa tu si kalaysan oo dhuumasho kaga jirta tabaalaha adduunyada.
Saaxiibadiisii isboortigu marka ay maqlaan soo laabashada xiddigoodii hore, hillow iyo farxad ayay ku qaabilayaan bishaaradaasi. Waxay qorshaysteen inay kooxaha ugu waaweyn mid ka mid ah maamulkeeda u dhiibaan. Ha yeeshee markiiba waxay arkeen in ruuxan soo laabtay uu silloon yahay, kana beddelan yahay ย halyaygii baryaha qaar laga daba dhacay. Qaar asxaabtiisii hore ka mid ah oo ay hormood u yihiin rag ay isku naadi ahaan jireen ayaa ka damqanaya xaaladda murugada leh ee uu ku sugan yahay saaxiibkoodii carruurnimo, marar badanna guulo isdabajoog ah u horseeday. Dhaqancelin ayay u samaynayaan oo koox Tabliiqa ayay ku darayaan, dhawr odayna si gaar ah ayay ugala dardaarmayaan. Marka uu ugu yar yahay afartan cisho oo isku xidhiidhsan ayaa loo jaraa, haddii aanu laba biloodba bixin. Muddadii uu culimada faafinta diinta la socday, isbeddel sal iyo baar leh ayaa laga dareemay.ย Balwadihii uu qabatimay ayaa dhiigiisa si qunyar-qunyar ah uga soo baxaya. Ruuxdiisii abaadday ayaa dib u soo biqlaysa; iimaankiisiina waa kaa quwaystay. Maanta oo uu toddoba bilood dalka joogo si weyn ayuu xaalkiisu uga soo reeyey. Ha yeeshee, weli Beddel kii la yaqaanay maaha, ย ammuumihii silloonaa ee soo noqdaynna maaha.
Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
http://bandhige.com/adeegsame-aleenkayga-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/
http://bandhige.com/muuqaalku-waa-dage-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/
http://bandhige.com/bal-muxuu-ku-dhintay-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/
http://bandhige.com/fellow-africans-suffer-in-south-africa/