Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Ruushku waxay ka wada hadlayaan soo-celinta xidhiidhka labada dal

Madaxweynaha Turkiga Recep ayaa kula kulmaya St Petersburg Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu dib u bilaabo xidhiidhkii Ruushka u dhexeeyey ee lumay kadib markii Turkigu soo riday sannadkii hore diyaaradaha nooca dagaalka ee aan cidi wadi oo duqeyn ka fulinaysay Suuriya soo rideen.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Erdogan sameeyo tan iyo inqilaabkii la isku dayay bishii hore.

Ka hor intii aanu Erdogan ka tegin waddankiis ayaa waxa uu ku tilmaamay Madaxweynaha Ruushka in uu yahay saaxiibkii, doonaya in uu xidhiidh cusub u bilaabo laba waddan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Booqashadan ayaa ah horumar cusub xidhiidhkeena, iyadoo laga bilaabayo meel cusub.”

Xidhiidhka labada waddan ayaa xumaaday markii Turkiga uu soo riday diyaaradda SU-24 bishii November, taasoo keentay in Ruushka uu ku soo rogo Turkiga cunaqabatayn dhaqaale, uuna joojiyay duulimaadyadii dalxiiska ee dadka Ruushka ay ku tagayeen Turkiga.

Xidhiidhka xumaaday ee labada waddan ayaa saamayn wayn ku yeeshay ganacsiga, gaar ahaan alaabadii uu Turkiga u dhoofin jiray Ruushka ayaa hoos u dhacay lixdii bilood ee ugu horaysay sannadkan, $737 Milyan taasoo hoos uga dhacday 60.5%, markii la barbardhigo sannadkii hore isku waqtigaas, sida ay sheegtay Daily Sabah.

Muranka ayaa dib u dhigay laba mashruuc -TurkStream oo ah dhuun gaas oo ka imanaysa Badda Madow, iyo Akkuyu ee saldhiga nukliyeerka ee shirkada Rosatom ee Ruushka ay ka dhisi rabto Turkiga.

Xidhiidhka intuusan xumaan ka hor suuqa Ruushka ayaa ahaa suuqa ugu wayn ee uu Turkiga u dhoofiyo qudaarta – marka Turkiga ayaa hadda doonaya in laga qaado cuna qabataynta.

Waxaa jira calaamado muujinaya in xidhiidhka labada waddan uu hagaagayo. Bishii hore Ruushka ayaa dib u bilaabay duulimaadyadii joogtada ahaa ee Turkiga, wuxuuna sheegay in ay bilaabayaan duulimaadyada khaaska ah.

Sannado badan Turkiga ayaa ahaa meel aad u soo jiidata dalxiisayaasha Ruushka, waxayna saamayn wayn ku yeelatay xarumihii ganacsiga dalxiiska markii cuna qabataynta la soo rogay.

bandhige@gmail.com