Madaxweynaha Zambia waxa uu mar labaad ku guulaystay doorashada, walo ay mucaaridka ka biyo diideen natiijada

Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu ayaa waxa uu mar labaad ku guulaystay doorashadii ka dhacay bishan, inkasta oo ay mucaaridku ka biyo diideen natiijada doorashadan.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in uu helay in ka badan konton boqolkiiba doorashada Khamiista, isagoo ka guulaystay Hakainde Hichilema, oo ku guulaystay ku dhawaad 48 boqolkiiba.

Afhayeenka mucaaridka ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada in ay la jiraan Lungu iyagoo sheegay in ay maxkamadda dastuurka ay gayn doonaan dacwad.

Mucaaridka ayaa ka cawday daah iyo isdabamarin markii ay socotay tirinta.

Kormeerayaasha ajnabiga ayaa sheegay in codbixinta ay si nabad ah u dhacday, laakiin warbaahintu la jirtay dawladda.

bandhige@gmail.com