Xisbiga Waddani waxa uu xafiis cusub ka furtay xaafada 150 ee magaalada Hargeysa

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo uu xisbiga Waddani yeelan doono  xaafadda 150ka ee ka tirsan degmada 26ka Juun ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinayaan, xoghayaha guud ee xisbiga, mas’uuliyiinta heer gobal, xildhibbaano iyo kaadiriin kale oo ka tirsan xisbigaasi, ayaa ka hor furitaankii xafiiska, waxa ay taageerayaal aad u tira badan oo isbedel doon ahi ay si weyn ugu soo dhaweeyeen agagaarka xarunta laga furaayey xafiiska, iyaga oo ku dhawaaqayey hadalo muujinaaya dareen isbedel doonimo iyo in ay ka niyad go’een xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin siddii ay u barbar istaagi lahaayeen xisbiga Waddani.

Madaxda heer gobal iyo degmo ee xisbiga Waddani, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo xoghayeyaal ka tirsan xisbiga oo ugu horreyn dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin furista xafiiskan cusub.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaah Uurcadde oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu aadd u faraxsan yahay furitaanka xafiiskan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aad iyo aad, ayaanu idiin ku mahad-naqaynaa, waxaana aanu rajeynaynaa in maalinta doorashada na aad sidaas iskugu xidhnaan doontaan. Walaaleyaal haddii aynu nahay xaafadda 26ka Juun ama reer Somaliland guud ahaan waxa aynu dalkan ugu soo halganay in aynu xukuumad samaysano, xukuumad cadaalad ah,  dawladnimo ayeynu u soo halganay ee qabiil umaynaan soo halgamin, ragga maanta qabaa’ilka kula dhex wareegaya xaafadahu waxa aanu lee nahay dadkan iyo dalkani waxa ay u baahan yihiin in qaran la helo.”.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaah “Cirro” oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Waad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad noo soo dhaweyseen, waxaana aan si aada idiin ka mahad naqayaa furashada xafiiskan cusub ee aad ugu adeegaysaan xisbiga Waddani, wallow aad muddo ku shaqeynayseen hadana waxa aan maanta jeclaystay in aan xadhiga ka jarno si aad hawlahiina u sii wadataan. Walaaleyaal waxa aynu samaysanay axsaabt, waxaana aynu ka guurnay beelahii, barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga na waxa u qorsheysan qorsheyaal badan oo laga ga bixi karo qabyaaladda oo ay ugu horreyso shaqo da’yarta loo abuuro gaar ahaan dhallinyarada.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxa aanu rumaysanahay in muwaadinku xor u yahay xisbiga uu tegaayo, haddii uu dooranaayo Kulmiye, haddii uu dooranaayo Waddani iyo haddii uu dooranayo UCID ba, laakiin waxa beryahan soo baxaysa in xisbiyada qaarkood ay lee yihiin hebel baa igu qasban, deegaan hebel baa igu qasban, reer Hebel baa igu qasban waxa aanu lee nahay cidina cid kuma khasbana.

Halkan hoose ka daaow muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com