Madaxweyne Biixi oo waraysi khaas ah siiyey VOA, kagana hadlay arrimo ay ka mid yihiin xukuumadda uu soo dhisay

Barkhad Maxamed Kaariye oo ka tirsan VOA ayaa waraysi khaas la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi.

Sida uu Barkhad ku daabacay boggiisa, madaxweynuhu wuxuu kaga jawaabaya su’aalo ay ka mid yihiin:

-Ma jirtaa magacaabis ka dhiman xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse?
-Maxay yeelayaan dadka xukuumaddii hore la soo shaqeeyay ee wali xilalka haya? Miyaa la beddelayaa?
-Maxay gaar uga wada hadleen Madaxweyne Muuse iyo hoggaamiyayaasha dalalka Jabuuti iyo Itoobiya?
-Maxaa keenay in madaxweyne Muuse safarkii ugu horreeyay ugu baxo Jabuuti?
-Sidee ayuu madaxweynuhu ugu talogalay jihaynta dhallinyarada?
-Maxaa keenay in xeerarka qaarkood, sida ka Booliiska iyo Saxaafadda, loo fulin waayay?
-Maxaa qorshe ah xidhiidhka Somaliland iyo Somalia?
-MAXAA UGA MEEL YAALLA MADAXWEYNAHA KALA-XADAYNTA MAAMULKA DAWLADNIMO IYO QOYSKIISA?

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga: