Madaxweyne Biixi wuxu hambalyo u diray ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer kadib markii ay cabasho ka muujiyeen in uu kala soo qayb gali waayey

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxay uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hambalyo u diray ardaydii ka qalin jebisay Jaamacada Burco kadib markii ay cabasho ka muujiyeen in uu Madaxweyne kala soo qayb gali waayey xaflada qalinta.

Sidoo kalena aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta  Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

Sidoo kalena waxa xaflada Jaamacada kala qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in uu hawlo safar ah ugu maqnaa gobollada Beriga.

War-saxaafeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey  Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.

Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta  Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa  maalmo ka hor Waxaana masuuliyada  qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.

Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.

bandhige@gmail.com