Madaxweyne ku-xigeenka Jsl ayaa si rasmi ah u furay shir lagu falanqaynayo dib u furista dugsiyada waxbarashada sannad dugsiyeedka 2020-2021-ka

Madaxweyne ku-xigeenka Jsl ayaa si rasmi ah u furay shir lagu falanqaynayo dib u furista dugsiyada waxbarashada sannad dugsiyeedka 2020-2021-ka

Madaxweyne kuxigeenka JSL Md.Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil Seylici ayaa maanta si rasmi ah u furay shir si weyn loo soo agaasimay oo ay wasaaradda waxbarashaada iyo saynisku u qabatay si loogu falanqeeyo dib u furista dugsiyada waxbarashada sannad dugsiyeedka 2020-2021-ka

 

kulankan oo ay ka soo qaybgaleen, isku duwayaasha waxbarashada heer gobol ee dalka, hay’adaha caalamiga ah, kuwa UN-ka, wasiirka warfaafinta Md.Saleebaan Yuusuf Cali Koore, iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

madaxda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa ugu horeyn faah’faahin ka bixiyey shirkan iyo ujeedooyinkiisa, waxaanu sheegay in shirkan lagu go’aamin doono nidaamka iyo habraacyada loo mari doono furitaanka dugsiyada dalka si looga foojignaado haddimooyinka xanuunka COVID19.

 

wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka Md.Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shirkaa ka hadlay ayaa ku booriyey masuuliyiinta waxbarashada iyo guud ahaan bahda waxbarashada dedaalada ay wadaan ee ay wax kaga qabanayaan dhibaatadan caafimaad ee uu xanuunka Coronavirus ku keenay waxbarashada dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimda ballaadhan ee shirkani u leeyahay waxbarashada dalka si loo sii anbaqaado hannaanka waxbarashada dalka.

 

waxa iyguna shirkaa ka hadlay, safiya Jibriil oo ku hadlaysay afka hay’adaha wada shaqaynta la leh wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiin kale oo shirka ka soo qaybgalay.

 

Ugu danbayn, Madaxweyne kuxigeenka JSL Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Seylici ayaa ku bogaadiyey wasaaradda waxbarashada dedaalka wax qabad ee ay muujiyeen iyo sida ay ula tacaaleen waxbarashada ardeyda inta uu jiray xanuunka Covid19.

 

Geesta kale, Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay, in ay xukuumad ahaan ku dedaalayaan hirgalinta qorshayaasha waxbarashada ee ku wajahan sidii loo badbaadin lahaa caafimaadka ardeyda isla markaana waxbarashadoodu u hirgeli lahayd.