Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Daahfuray Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka Dalka ee (BBG)

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray daahfurka Xarumaha  Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka dalka, labadan xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf  Vehicle Inspection oo ku kala  yaalla Bariga iyo Galbeedka  Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

 

 

Guud ahaan Lixda Magaalo ee waa weyn ee dalka ayaa laga hirgeliyey  Goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiid si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta loogana hortago Shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana  xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah.

 

 

 

Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka ayaa hore guddida qandaraasyada qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood kuwaasi ka tartamay Gobolada waa weyn ee Waddanka, xarumahan cusub ee uu maanta daahfuray Madaxweyne ku xigeenku ayaa noqon doona  hadda laga bilaabo kuwo lagu  hubiyo islamarkaana lagu baadho gaadiidka isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi, waxaanay tanni ka qeyb ka tahay horumarka waddanku ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xaflaasi halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka talaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkada muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo  Madaxweyne ku xigeenku  fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda si looga badbaado khasaaraha shilalka Gaadiidku ay geystaan.