Gorfeynta buugga mashruucii la dagaallanka nuurka (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Mahad idilkeed Alle ayaa mutaystay, anna waxa aan ahay addoonkiisii dhac-dhaca iyo dheel-dheeliga badnaaye, ugu horreyn aan ka tuugo in uu sur-ma-seegtooyinkayga, inta aan ku guda jiro falanqayntan igu asturo. Intaa kaddib,  aan bariido galtoonyo xilli saq-dhaxe oo habeennimo ah dacalka Waqooyi ee magaalada Hargeysa idiinka soo hibeeyo. Idiinna rajeeyo idil ahaantiin ba waa-san in uu galla-lac idiin yidhaa, kob kasta oo aad carro-edeg kaga dhaqan tihiin.

 

Buuggan “Mashruucii la-dagaallanka nuurka! Waxa lagu tarmiyay Masar, sannaddan 2020. waxa daabacday Hiil press, waxa qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. waxaanu ka kooban yahay 273 bog. Dahaadhka oogada sare ee buugga foolka hore iyo rogga dambe ba waxa ku sawiran iftiin baxaya oo dacallada mugdi kaga furan yahay. Waxa filayaa isla doorashada magaca buugga iyo muuqaalka oogada intaasi innagaga filan.

 

Wuxuu buuggu u qoran yahay hab sheeko faneed ah oo si qurux badan u xidhiidhsan hannaanka heerka sarreeya ee qoruhu u tidcay sheekaduna waa mid kugu dirqiyaya in haddaad akhriska buugga cawo bilowdana aan gabbal kaaga dhicin, haddaad habeennimo bilowdana aan waa kaaga baryine aad dhammaysato.

 

Quruxda qoraalka iyo shishlaanta macluumaadka buuggu sidaa iyaguna waa kuwo indhahaaga libiqsiga u diidaya. Si kasta ba ha ahaatee, Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac oo dadka badankiisu u yaqaannaan;  “IMAAMKA” buugga aan bartan ku lafo-guraynaa waa buuggiisii saddexaad waxa aanan nasiib u yeeshay in aan saddexdiisa buug ba akhriyo laba ka mid ah na aan Gorfeeyo.

Dhiganeyaasha Cabdiraxmaan waxa aad mooddaa jaranjarooyin xidhiidhsan oo daahfur cusub ku samaynaya baraarugga iyo maan-godolka jiilasha dambe’e aan halkan ku taxo magacyadooda;

1. DHALLINYAROOY HA XOROOBO MAANKU.

2. MIDABBADA QARSOON.

3. MASHRUUCII LA-DAGAALLANKA NUURKA!

 

Qofka aan saddexdan buug midna akhriyin ee haatan uun magacyadooda bartan ku arkaa wuxuu sheedda ka halacsan karaa in uu Cabdiraxmaan yahay; Mufaker toogtiisu dhisan tahay oo aanu daqiiqad ka lumayn yoolka uu liishaamayaa. Haddaan dulucda ku soo durko oo aan farta ku fiiqo innaha yar ee aan ka bawsaday xogaha qaydhiinka iyo bisayl ka ba iskugu jira ee buuggu sido aan soo horreysiiyo, bal sida buuggu ku bilaabmayo;

 

” … Waxa aan safar gaaban ku imid magaalada Landhan ee carriga Ingiriiska.”

Intaas marka aad akhrido waxa aad hibanaysaa in qoruhu sheekada buugga meel dhexe oo xasaasi ah kaaga bilaabay, marka se aad gaadho bogga lambarkiisu boqol yahay ayaad garawsanaysaa in aanay jirin xog kaa maqan iyo sheeko qoruhu badhtanka kaaga bilaabiye farshaxannimo habeen tirsatay in qoraagu si ula kac ah sidan ugu soohay sheekada.

 

Laba qormo ayaan u kala jabin doonaa haddii Alle yidhaa waxa aanan guud ahaan idin la wadaagi doonaa ugu yaraan konton qodob oo waaweyn oo qofka aan si qoto-dheer u akhriyin buuggani aanu hore u fahmi karayn. Warqad kasta oo buuggan ka tirsani ama macluumaad hor leh bay ii sidday ama mid aan hore wax uga akhriyay oo aan xiisaynayay ayay iigu xidhmaysay. Qodobadda waaweyn ee buuggu sida tooska ah iyo sida dadban ba u tibaaxay waxa ka mid ah;

 

I.  Sirta ka dambaysa in Soomaalida shan maamul la kala raaciyo, loo burburiyo, lugu soo duulo, looga na hor istaago in ay dhistaan nidaam taabo-gal noqda.

 

II.  In Soomaalida laba qodob laga illaalinayo kuwaas oo kala ah;

▪ In ay isku maamusho shareecada Islaamka.

▪ Iyo in ay yeelato dawlad dhexe oo adag.

 

III.  Midnimada Somaliland iyo Soomaaliya ee dunidu dabada ka riixayso iyo barta ay ku aroorayso.

 

IV.  Kulmiye, wasiirkii hore ee Arr. dibedda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo furitaankii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

V. Sababta dawladaha reer Galbeed lacagaha faraha badan ugu bixiyaan doorashooyinkeenna.

 

VI.  Ahmiyadda jiritaanka sirdoonka qaran u leeyahay aayaha umaddeed. Waxa aanan qodobkan ka soo dhiraann-dhirriyay cadaw faker, diimeed, dhaqan, dhaqaale iyo amni oo ummad ahaan duulimaad innagu ah oo odhanaya maadaama aanay Sirdoon wanaagsan lahayn ma jirto sabab aan uga baqanno in lagu war helo hagar-daamooyinkeenna.

VII. Maxaa sababay aasaaskii budhcad baddeeda Soomaalida?

VIII. Maxaa ka dhashay September 11. 2001? Yaa se qorsheeyay?

IX. Duulaanka reer Galbeedka ee Akhlaaqda wanaagsan iyo dhaqankeenna suubban intee buu gaadhsiisan yahay?

X. Waa ayo heeganka keliya ee dalka illaaliya ee la socda dhammaan hagar-daamooyinka cadawga shisheeye ee sokeeyaha adeegsada?

XI. Koonfurta Soomaaliya waxa loo sameeyay nidaam Fadaraal oo aan ka tujumayn dantooda in loo sameeyo maxaa looga gollahaa? Yaa se ka shaqeeyay?

XII. Calanka Somaliland ee tawxiidku ku xardhan yahay culays ma ku hayaa reer Galbeedka? Sidee?

XIII. Waxa jirta cid wakhti iyo adduun badan gelisay sidii sawir gurracan loogu samayn lahaa dunida Islaamka waa ayo ciddaasi maxay se ka faa’iidaysaa?

XIV. Sidee ayay u wada shaqeeyaan shirkadaha waaweyn noocyada kala geddisan ee khayraadka ka baayac-mushtara, ururrada shaydaan caabudka, fannaaniinta, dawladaha, aqoon yahanka iyo saxaafaddu maxay tahay na awoodda ay adeegsadaan?

XV. Turun-turrooyinkii keenay guul-darradii Maxaakiimtii Islaamiga ahaa ee Xamar ka curtay maxay ahaayeen?

XVI. Daraasad guud ahaan dhulka Soomaalidu degto ay ka sameeyeen ururka la yidhaa; Dark Marow oo ka koobnayd Shan su’aalood dulucdeeduna ahayd Soomaalida yaa saameeya faker ahaan oo ay aaminsan yihiin? Maxsuulkii ka soo baxayna wuxuu noqday in 80% Soomaalidu Culimada diinta aaminsan tahay. Sidaa darteed, si ummadda hoggaanka loogu jaro waa in diinta iyo culimada loo bahalo geliyo. taasina waa sababta aad markasta u maqlaysaan macallin Quraan baa gabadh yar kufsaday! Macallimiinta xisaabta, Soomaaliga, Saynisku iyagu may dhufaanan yihiin maxaan u maqli weynay maalin uun mid ka mid ah ayaa gabadh yar kufsaday. Ugu dambayn halkaas waxa ku cad duulimaadka diinta lagu soo qaaday.

LA SOCO…

ALLE MAHADDII