Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil โSayliciโ, Guddoomiyaha Kulmiye ahna murrashaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aas qaran oo Berbera maanta loogu sameeyey Taliyihii Qaybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud โCasayrโย oo koox dablay ahi toogasho ku dishay Salaasadii toddobaadkan.
Sidoo kale waxa aaska ka soo qayb galay masuuliyiinta axsaabta mucaaridka, wasiiro, masuuliyiin, salaadiin, culumaadiin dhallinyaro, madax-dhaqameed iyo dadweyne aad tiro oo iskaga kala yimid magaalooyinka kale duwan ee Somaliland.
Dhammaan madaxdii ka soo qayb gashay aaska ayaa waxay tacsi u direen dhammaan shacbiga somlailand iyo qoyskii uu ka baxay marxuun, waxaanay illaahay ka baryeen in uu jannadkii ka waraabiyo marxuunka.
Halkan hoose ka daawo warka aaska:
https://www.youtube.com/watch?v=u7lBJQGm7gk