Xisbiga Waddani waxa uu isku sifeeyey oo uu muraayada soo dhigay qorshihiisa danbe ee fadhiidka ah (W.Q: Cumar Cabdirisaaq Cali)

Xisbiga Waddani oo ka mid ah asxaabta ka jirta Somaliland ayaa waxa uu ka mid yahay xisbiyada ay bulshadu ku tilmaanto in uu kobac siyaasadeed sameeyey balse waxa ay bulshada reer Somaliland ku tilmaamaan in uu ka mid yahay xisbiyada u tafa xaytay jeclaysiga iyo kala kasbashada bulshada dhinacyada qabaayilka waxaana aad loogu sifeeyaa in uu gacanta u haadiyo dhammaan cid kasta oo ka mid ah bulshada dagan deegaanada bariga.

Muddooyinkii u danbeeyey waxa isa soo tarayey hadal haynta ay bulshadu hadal hayso xisbiga Waddani taasi oo ay ku tilmaamayeen in uu Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro uu shacbiga iyo bulshada maatida ah ee qaybo ka mid ah ay abaaruhu saameeyeen in uu sawiro iyo hadalo aan wax tar-lahayn uu la tagayey dhammaan goobaha uu safaro kala duwan ku soo gaalaaย  bixinayey.

Gudoomiye cirro oo geesta kale ah Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada ayaa lagu sifeeyaa masuul aan wax-qabad buuxa oo la taaban karro lahayn walaw uu xeerer dano gaar ah laga leeyahay ansixintooda uu qabtay, Guddoomiye cirro oo mudo laba jeer ah muddo dhaaf ku jooga aqalka golaha wakiilada ayaa tahli kari la in uu baneeyo jagadaasi isagoo muddo dhawr jeer ah balan qaaday in uu ka banayn ย doono wakhtiga uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud โ€œSiilaanyoโ€ย uu ka dhowaaqo ย wakhtiga la qabanayo doorashada aqalka Madaxtooyadda iyo baarlamaanka.

Ujeedka u weyn ee warbixinta oo noqonaya sidii diirada loo saari lahaa wacyiga xisbiga Waddani ayaa noqonaya,ย  wacyiga kala duwan ee xisbiga Waddani oo ku soo koobmay la hor imashada bulshada hadalo dacaayad u badan oo ay warbaahinta u mariyaan dawlada iyo waliba waxqabadyo aan sal lahayn, geesta kale waxa caado lama taabtaan ah u noqotay dhaleecaynta masuuliyiinta qaranka iyo doodo madhalays ah oo ay bulshada la soo hor-joogsadaan.

Xaalada tartan ee Waddani oo ah qayladhaan uu bulshada u sheego oo ah in uu yahay xisbi cadaalad ah uu wax badan ka badali doona waxyaabo uu ugu yeedho in ay dawladdu ku qaldan tahay taasi oo uuna wax cad u sheegin bulshada.

Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyey kobac balaadhan ka jiray xaga waxbarashada iyo dhismayaasha kala duwan ee ka socda dalka hadanase wax ilaa hada socda dhisida iyo korinta waxbarashada asaasiga ah, waxayna bulshadu ku hawlan tahay hirgalinta iyo dhisida waxbarashada asaasiga waxaana taasi muujinaysaa in ay bulshadu ka waantoobayso asxaab iyo siyaasi danaysta ah oo ku gaadha geedka uu hadba rabo iyo hawlaha uu isagu danta ugu jirto.

Xisbiga Waddani waxa uu hormood ka noqday in uu ku dul ololeeyo bulsho ay ku adag tahay nolosha dad iyo xoolaba ee ku dhaqan deegaanada galbeedka Somaliland taasi waxay sababtay in uu kala kulmo waji gabax balaadhan gobolka Gabilay oo ay caasimada gobolka Gabiley cidi ku soo dhawayn wayday.

 

 

Cumar Cabdirisaaq Cali
Ayman.egal@gmail.com