Wasaaradda Diinta iyo Awqafta ayaa waxay Hargeysa ku qabatey kulan lagaga hadlayo qaabka ugu fiican ee dadka reer somaliland u gudan karaan wajibaadka Xajka iyo sida looga hortagi karo caqabadaha soo waajaha xujaajta wakhtiga ay gudanayaan Xajka.
Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqafta Sheekh Khaliil , Agaasimaha wasaaraddaasi Sheekh Saleeban Siciid Cali, Wasiirka wasaaradda Cadaalada Axmed Cadare, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka , Gudoomiyaha ururka mihnadlayaasha caafimaadka, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyadda , xildhibaano , culmo awdiin ka soctey lixda gobol ee Somaliland kuwaas oo dadka Xajka geeya Iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Diyaaraha .
Waxaana ugu horeyn kulankan wax aka hadlay Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta heekh Saleeban Siciid Cali waxaana uu ka war bixiyey ujeedada ay kulanka u qabteen waxaanu yidhi:
“Yeedhida aanu wasaarad ahaan isku yeedhnay culimada dalka oo dhan, waxa laga hadli doonaa hal qodob oo ah Xajka iyo sidii aynu u xaji laheyn, maadaama uu Xajku yahaya masuulyadii wasaaradan saarneed waxaana aanu u yeedhnay culimadii dadka xajin jirtey dalka oo dhan sababihii aanu xajka iyo arrrimihiisa aanu iskula eegi laheyn isla markaan aanu ka hortagi laheyn xalna u sameyn laheyn caqabadaha soo waajaha xujaajta wakhtiga ay gudanayaan wajibaadka xajka.”
Sidoo kale waxa isna ka Hadley ujeedada kulankan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed waxaanu sheegay in uu yahay kulankani yahay kii ugu horeeyey ee la iskugu yimaado lagaga hadlana arrimaha Xajka, isagana arrintaasina ka hadlaya waxa uu yidhi:
“kulankan aanu maanta isku nimid waa sidii aynu u hagaajin laheyn wajibaadka Xajka oo ah rukni ka mid ah diinteena Islaamka, isla markaana loo soo gudan lahaa iyada oo laga hortagayo caqabadaha soo wajaha dadka xujaajta ah xiliga ay ku sugan yahiin gudashada waajibka Xajka. Waxaan aad ugu mahad naqayaa culimad arrintaas gacanta ku haysa ee dadka kaxeeya oo dadaal badan sameeya iyo madaxda shirkadaha diyaaraha oo iyaguna qeyb weyn ka ciyaara.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi wasiirku:
“Somaliland ma aha dal la aqoonsan yahay isla markaana ma saxeexno heshiiska xujaajta dawladda Sucuudigu waxay aqoon san tahay dawlada Federaalka Soomaaliya oo iyadu heshiiskaasi saxeexda balse waa in aynan arrintaas isku haleynin oo aynu iskeen wax u qorsheysanaa, waxaana aanu halkan iskugu yeedhanay dadkii aanu fikir iyo talo bidney ee khibrada iyo waayo aragnimada u leh arrimaha Xajka. “
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wakiilada xajka dadka kaxeeya ayaa waxa uu noqonayaa kulankii ugu horeeyey ee lagaga arrinsado gudashada waajibaadka xajka, inkasta oo culimada xajka kaxaysaa iyo shirkadaha diyaaradaha oo iskaashanayaa ay wakhtiyadii hore qaban jireen kulamo lagu wacyi-gelinayo xujaajta.