Kooxdii dableyda ahayd ee dilka u gaysatay taliyihii qaybta Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud “Casayr” ayaa waxa la qabtay sideed ka mid ah.
Sidoo waxa warka qabashada gacan ku dhiiglayaasha xaqiijiyey wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan La socotee dhibaatadii ka dhacday deegaanka Biyooley ee lagu dilay sarkaalkii ciidanka booliska, waxaanu gacanta ku dhigay 11 gacan ku dhiiglayaash dalka qalalaasaha ku riday dalka, waxay ahaayeen 11 nin oo midi dhaawacan yahay, waxa imika lagu daba jiraa saddexdii kale oo midi qorigiisii ka cararay.”
Illo-wareedyo ka agdhow Gobolka Saaxil iyo aaga hawgalka ka socday ayaa sheegay in saddex ka mid kooxdii weerarka gaysatay baxsadeen, inkasta oo ay ciidanku ku raad joogaan.
Sidoo kale wali waxa aan la aasin meydka taliye Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud “Casayr”, inkastoo ay maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka ee gobollada Awdal, Sanaag, Burco iyo gobollo kale cambaareeyeen dilkaa.
Sidoo kale waxa Berbera ku soo qulqulayey weftiyo badan oo ka socda xukuumadda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”.
Dhanka kalena waxa xabsiga loo tayaabay Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil oo la socday markii taliyaha la dilay iyo taliyaha degmada Sheekh, sidoo kalena waxa gurigiisa Hargeysa ku yaala la baadhay taliyihii hore ciidanka waddooyinka Maxamed Ilkacase oo haatan ku sugan Burco.
Hoos ka akhriso warka wasiirka arrimaha guddaha:
https://www.youtube.com/watch?v=ScYWapV_p8s