Guddi ka mid aha guddi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland ayaa maalmahanba ku hawlanaan ray’i ururin ay ka wadeen gobolka Awdal taasi oo ku saabsan xeerka doorashooyinka baarlamaanka ee la filayo in ay dhacaan sannadka soo socda, sida la wada ogsoon yahay doorashadii golaha wakiilada ee ka qabsoontay Somaliland sannadkii 20050tii waxa ay ahayd mid ku meel gaadh ah oo la rabay in golaha lagu doortaa badalaan xeerkaas si loo amaamudo mid rasmi ah oo u dhaw mid ay dadka reer Somaliland ku wada qanacsan yihiin ama u dhaw in la isku raaco.
Laakiin hada ayuu goluhu ku ambabaray in waqtigii loo kordhiyey gabaabsi yahay loona baahan yahay in la ogaado sida ay dadku u arkaan sidii xeer doorashooyn oo golaha ah loo sameyn lahaa.
Xubnahan ka socda gudiga amniga iyo arimaha gudaha ee golaha wakiilada oo ka kooban 9 xunbood uuna hor kacaayo xildhibaan Ibraahim Cali Cabdilaahi waxa ay shalay iyo maanta la kulmeen odayaal dhaqameedka, dhalinyarada iyo ururada bulshada rayidka qaar ka socday kuwaas oo ay laba maalmood la kala kulmeen.
Waxaanay u sheegeen in ay talo iyo tusaale ka rabaan sidii xeerka hada jira wax looga badali lahaa waxaany fikrada dadku u badnayd in la sameeyo waxa u dhaw cadaalad oo ay ku qanci karaan dadka reer S/land sida in beelo waxa lagu qaybiyo, ama gobolo laakiin tiradu ay noqoto mid dheeli tir u dhaw, waxaa kale oo aan kala cadeyn in tirada xildhinaabada la kordhin doono iyo in intan ay hada yihiin uun ay ahaan doonaan.
waxaanay gudigani mari doonaan dhamaan gobolada S/land si ay fikrad buuxada arintan ay uga helaan,lamsae oga in ay taninana horseedi doonto kordhin hor leh oo xildhibaanada hada jira loo kordhin doono.