Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa meel mariyeen shalay cunaqabatayn cusub oo ay saaraay Kuuriya Waqooyi kadib markiii ay tijaabisay gantaaallo nooca riddada dheer iyo Nukliyeer.
Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaranada Midoobay Samantha Power ayaa golaha ammaanka u sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dalka kaliya ee tijaabiyey hub Nukliyer ah qarnigan 21-aad.
Waxay ku eedeysay maamulkaasi in uu diiradda saarto hubkiisa Nukliyerka iyo gantaalladeeda riddada dheer, halkii uu wax ka qaban lahaa oo ka fakari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi ay qabaan.
Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa waxa uu soo dhoweeyey cunaqabatayntan cusub ee lagu soo rogay Kuuriya Waqooyi.
Madaxweye Barack Obama, ayaa sheegay in bulshada caalamka iyagoo ku hadlaya hal cod ay fariiin u direen Kuuriya Waqooyi, waxaanu uu ugu baaqay maamulkaasi in uu joojiyo barnaamijyada halista ah oo ay waddo, bulshada Kuuriyada Waqooyina ugu shaqeeyaan horumarinta dadkooda iyo ku dhaqanka wanaaga.