“Fitnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii toosiya” Xadiis
Ilaahay markuu bani’aadamka abuuray, wuxuu u soo diray Rusul (CS) qoom walba ugu baaqayey in ay cibaadada u gaar yeelaan Ilaahay keligii, una soo dejiyey kutub ay u racaan xalka mushkiladaha dhinac walba noloshooda kala soo gudboonaada. Ummaddeena Islaamka ayaa sidoo kale Ilaahay u soo diray Rasuulkii ugu wanaagsanaa Maxamed (CSW) iyo kitaabkii ugu dambeeyey oo Ilaahay inoogu sheegay in aan waxba lagaga tegin sheegitaankiisa.
Akhriste, haddaan u soo noqdo ujeedada maqaalkaygan maanta, oo guud ahaan inta xil-kasta ah ee shacabka dalkeena la yaab ku noqotay maqalka dilkii foosha xumaa ee ka dhacay gobolka Saaxil, Ilaahay ka baryayaan in uu nabad-gelyo ugu dhameeyo, kana badbaadiyo dhibaato iyo fitno kaloo ka abuurma, ayaa dhinaca kale waxay isweydiinayaan ficilada iyo kaalinta in badan oo wax-ma-garato ah ugu haliilayaan in ay u sii huriyaan, iyadoo aan la garanayn ujeedada ay ka leeyahiin.
Ilaahay aayad Qur’aan ah wuxuu inoogu sheegay oo macnaheedu yahay:
“Hadii mid faasiq ah war idiinla yimaado-iska hubiya, intaydaan dhibaato gaadhsiin idinkoo xog la’aan idin hayso.”
Akhristayaal muhiimada aayadan inoo leedahay iyo waajibaadka ay inna farayso waa mid danteena ah, loona baahan yahay, in aynu iska hubino intii suurtagal ah wax kastoo laynoo sheego, ama meel lagu qoro, haddii kale, waxa xaqiiq noqonaysa in aynu noqono dad ku sifooba xumaanta aayadu sheegayso, oo cawaaqibkeeda dambe iyo dhaxalkeeduna yahay hoygii naareed. (Ilaahay ha innaga badbaadiyee. Aamiin).
Walaalayaal, xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa:
“Fitnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii Toosiya.”
Haddaba, haddii si adag la inooga digay sii hurinta colaad dhexmarta ummadda Islaamka, qofkii sameeyana, dushiisa ahaanayso dhibaato kastoo ka dhalata, ilayn horaa diinteenu inoogu sheegtay in qofkii nooleeya qof walaalkii Islaam ah uu la mid yahay isagoo ummadda oo dhan nooleeyey, sidoo kalena qofkii dhibaateeya, ama dila qof Islaam ah la mid yahay isagoo ummadda Islaamka oo dhan dilay, waa maxay asbaabaha qolyaha ka shaqeeya qeybaha warbaahinta, ama dadka kale sifo hadal, qoraal, ficil iyo si kasta niyad ha ahaatee ugu haliilaya in ay sii huriyaan dhibaatada maanta taagan ka faa’iidayaan, miyaanayse dhaadsanayn goodiga iyo cawaaqibka qof kastoo ku dhaqaaqa u diyaarsan, in lagu abaalmariyo adduun iyo aakiraba.
Waxaan aad isu-weydiiyey in badan oo warbaahinta gudaha Somaliland, ha ahaato wargeysyo, website-yo, baraha bulshadu ku xidhiidho, sida facebook, qaabab kale ficil, hadal ama niyada ka doonaya ugu haliilayaan sii hurinta dhibaatadan iyo fitnadan ee shaydaanku ugu shaqeysanayo, oon ka tilmaami karo mareego sida Burco Online, wargeyska SAHAN, kuwo kaloo bdan iyaguna isgaranayo, ummadduna garanayso u samaynayaan? Maxaase ugu jira dhibaato dhacda? Kolay annigu aan odhan karo waa jaahilnimo ka haysata Diintooda Islaamka.
Ilaahay wuxuu aayad qur’aan ah inoogu sheegay:
“Ka baqa Fitno aan saamaynayn keliya kuwa galabsaday.”
Ayaadab fahamkeedu waxa uu yahay hadii ummadda Islaamku iska qaban weydo inta xumaanta ku foogan, in aanay ka badbaadayn masiibada ka dhalata. Sidoo kale xadiis Nebigeena Maxamed CSW ayaa machaniisu ahaa:
“Qofkiina arka xumaan haku suuliyo gacantiisa, hadaanu awoodin, afkiisa, hadaanu awoodin, niyada haka naco oo ah iimaanka halka ugu hooseysa.”
Haddaba, maadama qof kastoo Islaam ah waajib maalinta aakhiro la weydiinayo inuu gutay tahay ka dhiidhiga iyo iska qabashada qof kastoo xumaan iyo dembi wada noocuu doono ha ahaado, qofkuu doonana ha ahaadee, waxa looga baahan yahay qof kastoo islaam ah, lab iyo dhedig in ay gutaan waajibka saran, isla markaana sifaha ay wax kaga qaban karaan suulinta xumaantan ama kuwa kale yimaadaba u adeegsadaan oo gacan, af wax kaga qabtaan, ama niyada ay ka nacaan, qofkii gudan waayana waajibka saarana, isaga ayaa naftiisa u horseeday cawaaqibka uu kala kulmo, waxaan kaga baxayaa, inta sifo kastoo ay leedahay ugu foogan sii hurinta dhibaatadan iyo fitnadan taagan iyagaa iyo nafahoodaa is-oge in ay Ilaahay uga toobad keenaan iyo ummadda Islaamka inta ay dembiga ka galeen, maanta ayey fursad haystaane, haddii kale, ha u diyaargaroobaan hoygii Naarta jahanama gunteeda, (Ilaahay ha innaga badbaadiyee) ee loogu yaboohay kuwa munaafiqiinta ee calaamadahooda ay ka mid tahay sheegida beenta. Ilaahay dariiqa xaqa ah ha inna waafajiyo, aakhirana janadiisa Fardowsa hoy ha inooga dhigo, innaga, waalidiinteen, iyo ummadda Islaamka dhammaantood. Aamiin.
Waxa Qoray: Maxamuud Cali Sh. Maxamed “Walaaleeye”