Bannaan-bax lagaga soo hor jeedo dilkii Taliyihii Booliska Saaxil oo Ceerigaabo ka dhacay

Bannaan-bax muddo dhowr saacadood socday ayaa maanta ka dhacay Ceerigaabo, isusoo baxaasi ayaa waxa lagaga soo horjeeeday dilkii taliyihii booliska qaybta Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf “Casayr” oo maalantii shalay lagu dilay tuulada Biyooley oo ka tirsan degmada Sheekh.

Dad wayne gadoodsan ayaa taayiro ku gubay qaar ka mid ah jidadka Ceerigaabo kadibna waxaa xaaladda soo faro galiyay ciidamada Qaranka oo rasaas ku kala eryay dadkii mudaaharaadka dhigayey.

Ila-wareedyo ka ag dhowaa mudaharaadka ayaa waxay sheegeen in ay jiraan dad dhaawacyo soo gaadheen oo iskugu jira shacab iyo ciidamada ah.

Dhanka kalena waxa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay, isagoo dadweynaha ugu baaqay in ay sheegay i dadweynu isdejiyaan, arrinkana xukuumadda loo dabo fadhiisto.

Sidoo kale wararka oo sheegaya in Madaxweyne-ku-xigeenkii hore oo ku sugan Ceerigaabo la afduubay ayaa waxa uu gebi ahaanba beeniyey wararka afduubka.

bandhige@gmail.com