SOLJA waxay ugu baaqday saxaafada in ay joojiyaan buubuuninta xaalada kacsan ee shaqaaqadii Berbera

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu mar kale ugu baaqayaa Bahda Saxaafadda Somaliland inay ka waantoobaan wararka fidnada abuuraya ee ay warbaahinta qaarkood ka tabinayaan dhacdada ka taagan Gobolka Saaxil.

Suxufiyiinta Somaliland waxa la gudboon mar kasta inay Danta Qaranka ka hor mariyaan danaha gaar ahaaneed ee ka jira gudaha Somaliland, maadaama Somaliland ay ku jirto duruufo adag oo u baahan in si wadajir ah looga hortago.

SOLJA waxay u aragtaa warbaahinta iyo wariyayaasha qaarkood inay hurinayaan xaaladda ka taagan Gobolka Saaxil, halkii ay ka ahayd inay ka qayb qaataan dajinta wax kasta oo dabka ku sii shidi kara khilaafka jira.

Wariyayaasha Somaliland waxay masuuliyaddi ka saaran tahay sidii ay awal hore ba ku caano-maaleen inay ka qayb qaataan horumarka Dalka, isla markaana ka waaniyaan dadka xumaanta wada wixii khalkhal galin kara Nabada iyo deganaansha dadka walaalaha ah ee ku nool Somaliland.

SOLJA waxay xukuumadda ugu baaqaysaa inay talaabo ka qaado cid kasta oo Saxaafadda ku baahisa wararka dhiilada ah ee Ummadda iska horkeenaya, si aanay Suxufiyiintu gabaad uga dhigan xigashadooda.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ka xun yahay wararka ku soo baxay warbaahinta qaarkeed, kuwaas oo aan muujin doorkii saxaafadda Somaliland looga baahnaa, waxaanay ku noqon doontaa Suxufiyiintaasi mid lagula xisaabtami doono.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac