Waddani oo deeq raashin ah gaadhsiiyey 1300 oo qoys oo ku nool Balli-gubadle

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey wasiirkii hore ee caafimaadka siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan Waddani ayaa 1300 oo qoys oo ku nool deegaanada hoos yimaada gobalka Hawd gaadhsiiyey deeq raashin ah oo isagu jirta Bariis, Daqiiq iyo Timir.

Waxaana weftigan uu hoggaaminaayye Siyaasi Cabdi Haybeoo ay ku wehelinaayey Guddoomiye-ku-xigeenka 5aad ee Waddani Milgo Maxamed Cilmi, guddoomiyaha garabka haweenka ee gobalka Maroodi-jeex Hinda Xasan Idiris, Ooto Biixi, Xasan Dagaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Waddani, ay deeqdaasi raashinka ah gaadhsiiyeen qaar ka mid ah dadka jilicda san ee ay abaarahu sida xoogga ah u saameeyeen isla mar ahaantaana ku nool tuulooyinka iyo degoomooyinka hoos yimaad gobalka Hawd oo ay ka mid ahaayeen Habaas-weyn, Inna Cunaaye, Warta Maxamed Fanax, tuulada Gumar, Balli-gubdle iyo Gumuraha

bandhige@gmail.com