Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland wuxu Xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Jamhuuriyadda aan la aqoonsan ee Liberland

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Dr. sacad Cali Shire wasiiru-dawladaha wasaaradda arrimaha dibada Mixile Boqore, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa xafiiska ku qaabilay wafti la socotay Jamhuuriyadda Liberland oo dalka Somaliland booqasho ku yimi.

Xubnaha Wafigan oo ay kamid ahaayeen Dr. Tariq Abbasi oo ah Madaxda habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalkaasi iyo Xuseen Asad oo isagu ah Muwaadin Somalilander ah oo hogaaminayey Waftiga ka socda Liberland ayaa sharaxaad ka bixiyey Socdaalkooda, waxaan ay sheegeen inay ka socdaan Jamhuuriyadda Liberland oo ku taalada qaarada Yurub islamarkaana ah Dal aan wali la aqoonsan oo imika baadi goob ugu jira Aqoonsigooda doonayaana inay ka mid noqdaan beesha Caalamka, sidoo kale waxay Madaxweyne ku xigeenka usoo bandhigeen inay doonayaan Iskaashi wada jir ah oo ay ku raadinayaan Ictiraafka labada wadan, dhanka kale waxay ka mahad celiyeen soo dhaweynta loo sameeyey hanaanka loo maamuusay, ugu danbayntiina waxay xuseen inay doonayaan inay dalka ka fuliyaan Mashaariic horumarineed .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sharaxaad ka bixiyey Taariikhda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland mudadii ay jirtay iyo Marxaladihii kala duwanaa uu soo maray Dalku, waxaa uu xusay inay Somaliland tahay Waddan Xasiloon oo ay ka hana qaaday nabadgelyo buuxda iyo Dawladnimo taam ah islamarkaan aan wali Beesha Caalamka ka helin aqoonsi buuxa walow ay Somamliland buuxisay Shuruudihii Aqoonsi waddan looga baahnaa balse ay ku jiraan dedaalkeeda isla mar ahaantaana ay rajaynayaan in maalin uun la aqoonsan doono, Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhaweeyey Iskaashiga wada jirka ah ee lagu raadinyo Aqoonsi Caalami ah oo ay labada waddan ka helaan Adduunyada.

Ugu Danbayntiina, waxa laysla qaatay in layska kaashado hanaanka horumarka iyo raadinta Ictiraaf Caalami ah oo ay helaan Labada Waddan si ay uga mid noqdaan Dalalka Adduunyada.

bandhige@gmail.com