Madaxda KULMIYE waxay Waddanka ku soo dhaweeyeen wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dalka yar ee aan la Aqoonsan ee Liberland

 

Hoggaanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa dalka ku soo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka yar ee aan la aqoonsanayn ee la yidhaa Liberland oo booqasho ku yimi Somaliland maanta.

Madaxweynaha Liberland Mr. Vit Jedicka oo uu wehelinayo Wasiirkiisii Baratakoolka oo magaciisa la yidhaa Tariq oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa maanta, waxa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah masuuliyiin xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda.

Waxa kaloo weftigan Madaxweynaha Liberland ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Somaliland Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa xilkaasi u taagan KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulan kooban oo is-xogwaraysi ah kula yeeshay xafiiskiisa.

Dalka Liberland oo ah dalka ugu yar cabbir ahaan qaarada Yurub waa dhul dhereran galbeedka webiga la yidhaa Danube oo u dhexeeya dalalka Croatia and Serbia, kaasi oo ah bogcad yar oo aan xuduudaha labadaas dal midna la raacin kadib khilaaf xuduudeed oo dhexmaray, mano jirto cid dunida u aqoonsan dal madaxbannaan, balse waxa uu ku jiraa ururka dalalka aan la aqoonsanayn ee Somaliland xubinta ka tahay.

bandhige@gmail.com