Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u diray qoys afar carruur ahi kaga geeriyoodeen dab xalay ka holcay xaafadda Ibraahim Koodbuur

Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Xuseen oo ay xalay afar carruur ahi kaga geeriyoodeen masiibo ka dhacday xaafadda Ibraahim Koodbuur kadib markii uu gelinkii dambe ee habeenimada dab qabsaday gurigooda. Waxa sidoo kale masiibadaas ku dhaawacmay hooyo Khadra oo hadda cusbitaalka lagu dawaynayo.

War-saxaafadeedka oo soo baxay cawaysinkan caawa wuxuu u dhigan yahay sidan:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay galinkii dambe (24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

  1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir
  2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
  3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
  4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Ismaaciil Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

               Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/