Aftidii madaxbanaanida Kurdistaan ayaa berito qabsoomaysa, waxa ka taagan xamaasad weyn

Dadweynaha Kurdistaan ayaa berito u dareeraya aftidi ay doonayaan in ay ku xaqiijiyaan madaxbanaanida Kurdistaan. Haddii ay dadweynaha Kurdistaa “HAA” ku codeeyaan, xaaladda gooni ahaanshaha Kurdistaan way sii xoogaysan doontaa in kastoo aanay haysan aqoonsi caalami ah.

Sida la filayo ama ay muujiyeen sahanka la qaaday, dadweynaha  Kurdistan waxay aqlabiyaddoodu u codayn doonaan in ay waddan gaar ah noqdaan.

Haseyeeshee dadweynaha deggan gobollada kale ee Ciraaq ayaa si weyn uga soo hor jeeda, waxaana dhacay mudaharaadyo iyo buuq lagaga soo hor jeedo aftida Kurdistaan kuwaas oo ka dhacay gobollada u dhaw Kurdistaan ee Ciraaq.

Beesha Caalamka ayaa iyaduna muujisay sida aanay aftidan  raali uga ahayn iyadoo Maraykanka, Turkiga, Iiraan iyo Qaramada Midoobay ay dhammaantood ka soo horjeesteen, aftidana ku tilmaameen mid wax u dhimaysa dedaalkii lagu baacsanayey argagixisada.

Kurdistaan oo la yagleelay 1992kii, waxay muddo dheer ahayd is-maamul-hoosaad ku hoos jira Ciraaq, waxayse intaaba  ku taamaysay sidii ay dal madax banaan u noqon lahayd.

Haseyeeshee Madaxweynaha Kurdistaan Mascuus Barzani ayaa sheegay in ay dadka reer Kurdistaan xaq u leeyihiin madaxbannaanidooda sidaas daraadeedna aanay cidna u joojinayn ee ay aftidu berito sideeda u dhacayso.

Haddii mustaqbalka la aqoonsado Kurdistan, waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee ay yeeshaan 40 milyan ee Kurdida ah ee ay kala qaybsadeen Turkiga, Iiraan, Ciraaq iyo Suuriya.

Bandhige@gmail.com