Wareegto Madaxweyne
MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.
- Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.
- Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.
- Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.
- Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.
- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.
- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
—
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390
https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl